Hooyo Qirtay Inay Dishay Sadex Caruur Ah Oo Ay Dhashay Iyo Sababta Ku Kaliftay

0
344

Hooyo ayaa qiratay in ay dishay saddex carruur ah oo ay dhashay maadaama oo ay gaarigii ay saarnaayeen ku dhex kaxaysay haro ku taalla Koonfurta Australia.
Akon Guode, oo 37 jir ah ayaa dishay Bol oo hal sano jiray iyo Hanger iyo Madit oo mataano ah oo afar sano jiray.
Dilkan ayaa ka dhacay koonfurta galbeed ee magaalada Melbourne sanadku markuu ahaa 2015-kii.
Alual oo lix jir ah ayaa isna la saarnaa gaariga balse badbaaday.

Guode ayaa dambigan ku qiratay maxkamadda sare ee gobolka Victoria.
Guode ayaa dambigan qiratay iyada oo uu turjumaan caawiyay, waxayna dalka Australia tagtay
sanadkii 2008 iyada oo ka tagtay dalka Suudaanta Koonfureed.

Joseph Manyang oo ah aabaha saddexda carruurta ah ee dhimatay ayaa dhagaysiga dacwadan oo sanadkii hore dhacayay u sheegay in ay wareertay inta aysan shilkaas galin.
Wuxuu Guode ku tilmaamay in ay ahayd hooyo u roon carruurta oo uusan ka filaynin in ay si ula kac ah dhibaato ugu gaysato.
Si kastaba ha ahaatee qof ka mid ah makhraatiyadii u muhiimsanaa ayaa booliiska u sheegay in ay dili rabto carruurteeda isla maalintaas ay masiibadu dhacday.