Ibrahimovic oo ku guuleystay Xidiggii ugu fiicnaa Bishii December ee ‘PFA Fans Premier League

0
630

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Waddanka Ingiriiska, Zlatan Ibrahimovic ayaa ku guuleystay abaalmarinta hay’adda Laacibiinta Xirfadleyda Kubadda Cagta ‘PFA Fans Premier League of the month Award’ ee xidiggii ugu fiicnaa bishii December.

Abaalmarintan waxaa cod u qaaday website-ka ‘Sky Sports’, waxaana dadku ay ka codeynayeen online-ka iyo weliba Program-yada ugu degsan taleefoonnadooda gacanta, iyadoo la tiriyay ku dhowaad 64,000 cod.

Ibrahimovic oo helay guusha ayaa ku guuleystay 24,092 cod, kaalinta 2′ waxaa galay Laacibka Liverpool Adam Lallana (17,935 cod), kaalinta 3′ waxaa qaatay Daafaca Chelsea Azpilicueta  (11,944 cod).

Lixda sare waxaa kale oo ku jiray Xidigga Tottenham Dele Alli (5,863), Goolhayaha Sunderland Jordan Pickford (2,874 cod) iyo kaalinta 6′ oo uu galay Dimitri Payet oo West Ham ka tirsan oo helay 1.264 cod.

Lixdan musharrax ayaa waxaa soo doortay guddi Khubaro ah oo ay ka mid yihiin Peter Beagrie iyo Paul Merson oo ka tirsan ‘Sky Sports’iyo Malcolm Clarke oo ah Madaxa Xiriirka Taageerayaasha Kubadda Cagta.

Ibrahimovic, oo 35 jir ah ayaa bishan Disembar wacdaro dhigay, isagoo 6 kulan ku dhaliyay 5 gool, waxaana uu kaalinta 2′ kagajiraa kala sarreynta gool dhalinta Horyaalka Ingiriiska isagoo min 13′ gool ay wadaagaan Alexis Sanchez, waxaana gool qura ka sarreeya xidigga Chelsea Diego Costa.