telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Il-duuf Mise Badheedh: Dawladda Itoobiya oo Qoraal ku Xustay Magaca Dastuuriga ah ee JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

Gudaha wargeyska Jamhuuriya ka akhri qoraalka Wasaaradda khaarajiga Itoobiya ku xustay magaca dastuuriga ah ee Somaliland iyo qoraal kale oo dib loogu saxay

Hargeysa (Jam)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dawladda Federaalka ah ee Itoobiya, ayaa qoraal ay soo saartay waxa markii u horaysay taariikhda ay si buuxda ugu xustay magaca dastuuriga ah ee  dalka Somaliland oo ah “Jamhuuriyadda Somaliland” ama “The Republic Of Somaliland”, kaasoo u muuqday inuu yahay aqoonsi dadban oo dawladda Itoobiya u fidisay Somaliland.

Qoraalka lagu faafiyey website-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya maalintii Isniinta oo lagaga hadlay safarka weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku tegay magaalada Addis Ababa, waxa lagu sheegay in Wasiirka Khaarajiga Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu uu kulan soo dhawayn ah u sameeyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyadoo qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga oo ka kooban afar baaragaraaf (Paragraphs) ilaa afar meelood lagu xusay magaca “The Republic Of Somaliland” oo ah Jamhuuriyadda Somaliland, magacaas oo sheegaya in Somaliland tahay Jamhuuriyad madaxbannaan.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo wargeyska Jamhuuriya u rogay Afsoomaali waxa uu u qornaa sidan;

“Mudane Workneh Gebeyehu oo soo dhawayn ku Qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Workneh Gebeyehu ayaa soo dhawayn ku qaabilay maanta (16 January 2018) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu Madaxweynuhu uga mahadnaqay Dr. Workneh (Wasiirka Khaarajiga Itoobiya) sida diiran ee uu u qaabilay.

Dr. Wokneh oo ka hadlayey soo dhawaynta Madaxweynaha (Muuse Biixi), waxa uu tilmaamay dareenkiisa mahadnaqa ah ee la xidhiidha doorka iskaashiga ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ka ciyaarto ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida degaannada ay dariska yihiin.

Waxa kaloo Dr. Workneh (Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya) uu intaas ku daray in Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland ay leeyihiin xidhiidh iskaashi xooggan oo khuseeya dhinaca dhaqaalaha,” ayaa lagu yidhi qoraalka lagu baahiyey website-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Dhinaca kale, isla qoraalkan uu ku xusan yahay magaca dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu faafiyey Twitter-ka gaarka ah ee Wasiirka Khaarajiga Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

Arrintani ma Il-duuf baa mise badheedh muujiyey mawqifka dawladda Itoobiya

Ilaa hadda si cad looma oga ujeedada ka dambaysa in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ay si buuxda qoraalkeeda ugu muujiso magaca dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland “The Republic Of Somaliland” halka sidoo kale aan la ogayn in arrintani tahay il-duuf dhinaca qoraalka ah (human error) iyo inuu yahay mid badheedh ah oo bannaanka soo dhigay mawqifka dawladda Itoobiya ka qabto madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii aqoonsi rasmi ah loogu fidin lahaa.

Hasa yeeshee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa saacado yar kadib waxa ay tifaftir ku samaysay qoraalka uu ku xusnaa magaca Jamhuuriyadda Somaliland ee lagaga hadlay safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanna laga saaray oo qudha kelmadda ah “THE REPUBLIC” (Jamhuuriyadda), balse qoraalka kale oo aan waxba laga beddelin nuxurkiisa ayaa dib loogu faafiyey website-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, waxaanna qoraalkan dambe ku xusan magaca “Somaliland” oo qudha, kaasoo aan ahayn magaca rasmiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo uu halkan waregyska Jamhuuriya idiinku gudbinayo labada qoraal ee ka soo kala baxay Itoobiya.

 

Dastuurka Somaliland

Magaca Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku qeexan yahay qodobka 1aad, farqadiisa 1aad ee dastuurka iyo qodobka 2aad ee dastuurka oo ka hadlaya xuduudaha Somaliland, waxayna qodobbadaas dastuuriga ah u qoran yihiin sidan;

 XUBINTA IAAD

TILMAANTA GUUD

 

QODOBKA 1AAD

QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

  1. Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26-kii Juun 1960-kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Woqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaaliya 1-dii July l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go’aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27-kii April ilaa 15 May l99l-kii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkandal madaxbannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadusa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.

 

QODOBKA 2AAD

DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

  1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30′ Woqooyiga Dhul-badhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45′ ilaa 490 Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin; berriga,jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).
  2. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay xad Ia wadaagtaa dhinaca Woqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca Woqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.
  3. Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad-gudbaan.

 

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

Siciid4@yahoo.com

Siciidm2090@gmail.com

Souce Jamhuuriya

 

469 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins