Imaraadka: Madaxweynihii Hore Ee Somalia Sheekh Shariif Oo Soo Gaadhay Dubai Kuna Sii Jeeda Muqdisho Xili ay muqdisho ka jirto ruxanka mooshin ka dhana Xasan Sheekh Maxamuud

0
456

Imaraadka: Madaxweynihii Hore Ee Somalia Sheekh Shariif Oo Soo Gaadhay Dubai Kuna Sii Jeeda Muqdisho Xili ay muqdisho ka jirto ruxanka mooshin ka dhana Xasan Sheekh Maxamuud.

(SLT-Dubai)Madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saacadaha soo socda ka degaya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta Midowday.

Sheekh Sahriif oo ka soo kictimaya magaalada London ee wadanka Ingiriiska ayaa marka uu soo gaaro magaalada Dubai waxa uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaadanayaa jaaliyadda Soomaalida, madax ka tirsan Dowladda Federaalka, xubno horay xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu tegay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ka bilaabayo qorsheyaal ku saabsan hay’adda Samadoon Foundation oo isagu asaasay, isla markaana ka shaqeyneysa arrimaha nabadda iyo gargaarka shacabka Soomaalida.

Sheekha ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada London ee dalka Ingiriiska waxa uu kulamo kala duwan kula qaadanayay jaaliyadaha Soomaalida, isagoona khudbadaha uu u jeedinayay intooda badan ku saabsanaayeen in Soomaalidu u istaagto sidii ay gacmaheeda wax uga qabsan lahayd, isla markaana u gargaari lahayd kuwooda liita.
Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu damacsan yahay inuu magaalada Muqdisho ka furo xarun hay’adiisu ku howlgasho, isagoona in badan ku celceliyay in loo istaago sidii wax badan looga bedeli lahaa dhaqanka cunsuriyadda ku dhisan ee la degay sharaftii iyo sumcaddii Soomaalidu ku lahayd dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here