IS-BAHAYSIGA KULMIYE- MAXA LA GUDBOON??

0
631

Isbahaysiga Kulmiye waxay diidanyaheen qaabkii loo maamulay shirwaynahii Xisbigga kulmiye ee qabsoomay 10th November, 2015 laguna cugtay Colonel Muusa Biixi inuu noqdo Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye. Ma jiro mabda’ guud oo ka dhaxeeya , mana jirto dan qaran oo kulmisay “ National interest “.Nin waliba danahiisa gaar ahaaneed ayuu toocsanayaa. Laakinse waa xubno miisaan culus ku leh bulshada Somaliland, waxaanay kasoo kala jeedaan dhamaan degaanada Somaliland. Waxa hubaal aha inay isbedel wayn samayn karaan , haddii ay mideeyaan muruqooda , maalkooda , maskaxdooda oo ay culayskooda siyaasiga ah meel wada saaraan.
Maxa la gudboon Isbahaysiga Kulmiye ?
Isbahaysiga waxa maanta horyaala inay kala doortan afar xaalo “ 4 options”
1). KALA-YAAC : Inay kala yaacaan oo mid-weliba danahiisa gaar-ahaaneed ku foofo, sida uu yeelay Sheikh Abdilaziz Samaale.
2.). RAALI-GELIN : Inay raaligelin siiyaan Colonel Muuse Biixi, kuna noqdaan Kulmiye, sida uu yeelay Guddoomiye Ku-Xigeenka Golaha Wakiilada Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax
3.) UCID. Inay ku biiraan xisbigga UCID, dhex-dhexaadiyaan Guddoomiye Faysal iyo Musharax Jamaal, kuna biiriyaan dhiig-cusub iyo dar-dargelin.
4.) WADDANI. Inay si qoto dheer u dersaan barnaamijka qabyo-qoraalka xisbigga WADDANI .Haddii ay ku qancaan , inay si midaysan ugu biiraan ,oo aanay hordhigin shuruudo qalafsan, maadama ay ku qanceen barnaamijka Xisbigga.
Ugu danbayn waqtigu wuu is-gurayaa, bulshaduna way idinka xiisa dhacaysaa , hadaydaan qaadan go’aan deg-dega & talo midaysan.Waxaan idiin soo jeeedin lahaa inaad qaadataan “option 4 “ oo ku biirtaan xisbigga WADDANI.Sida ka muuqata dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee Somaliland, waxa kusoo qul-qulaaya bulsho badan,markaa waxa la raaca dhinaca mowjado u socoto “ Be with the tide “. Maanta Somaliland waxay u baahantahay badbaado qaran,oo danyarta ka badbaadiya sicir-bararka, dhiig-meeradka,ma-gafaaysha, hanti-boobka iyo dulmiga baahsan.
Waa bilaahi towfiiq.
Drs. Hoodo Yusuf , UK.
yhoodo@yahoo.com