ISIS oo dhagax ku dishay nin Guur soo maray oo sineystay

0
342

Kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalka Syria, ayaa dhagax ku dishay nin ay ku eedeeyeen inuu sineystay asigoo Guur horay usoo maray.
Warbaahinta ku hadasha afka kooxda, ayaa soo bandhigtay muuqaalada Ninkan dhagaxa lagu dilay oo meel wado ah la fariisiyay, waxaana daawanayay boqolaal qof oo Caruur ay kamid tahay.
Sida aad ku daawan doontaan Muuqaalada Ninkan ayaa waxaa dhagxaan waaweyn madaxa kala dhacaya qaar kamid ah kooxda ISIS, waxaana dhacdadaan ay ka dhacday deegaanka Abu Kamal oo dhaca xuduudka Syria ay la wadaagto Iraq.