ISKA HILMAAMA Donald Trump – Germani oo Qaxootigii ugu badnaa ka qaadeysa dalka Turkey

0
352

Dowlada Germany ayaa shaaca ka qaaday in bil walba ay dalka Turkey kasoo qaadeyso qaxooti gaaraya 500.

Haweeneysa hogaamisa dalkaas Chancellor Angela Merkel ayaa khamiistii ka sheegtay magaalada Ankara, iney garab weyn ka geysaneyso dib udajinta qaxootiga.

Merkel ayaa wadahadal la yeelatay madaxweynaha  Turki Recep Tayyip Erdogan iyo Ra’isul wasaaraha dalkaas Binali Yildirim

Waxaa ay sheegtay iney ka dhabeneyso balanqaadkii ahaa iney qaadeyso qaxootiga ku sugan Turkey kaas oo qeyb ka ahaa heshiiskii ay xili hore gaareen Turkey iyo Yurub gaar ahaan 2016-kii.

Turkey ayaa Yurub ka joojin doona qaxootiga faraha badan, waxaana ay xerooyin qaxooti ugu fureen gudaha dalkaas.

Haweeneyda Germani ayaana sheegtay in bil walba ay 500 oo qof oo qaxooti ubadan Siiriya ka qaadeyso dalka Turkey.