Israa’iil Oo Mar Kale Duqeysay Marinka Gaza

0
315

Waxay dhacdadan noqoneysaa tii ugu danbeysay tan iyo bishii May oo Isra’iil iyo Xamaas ay oggolaadeen xabbad-joojin.

Ciidamada Isra’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay “duqeeyeen goob hubka lagu farsameeyo, lagana rido gantaalaha oo ay leedahay” waxa ay ugu yeedheen ururka argixisada ah ee Xamaas oo maamusha Gaza.

Sida ay sheegayaan saraakiisha amniga iyo dad goobjoogeyaal ah, goobaha la duqeeyay ayaa ku yaalla galbeed magaalada Gaza, iyo dhanka koonfureed ee Marinka, mana jirto wax war ah oo sheegaya haddii uu khasaare nafeed ka dhashay.

11 cisho oo uu dagaal ka dhex socdau Isra’iili iyo Xamaas ayaa xababd joojin lagu soo afjaray 21-kii bishii May.

Dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay 260 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jireen dagaalyahanno, sida ay ku warrameen maamulka Gaza.

Sidoo kale 13 qof oo Israa’iiliyiin ah oo u uu ku jiray askari ayaa ku dhintay gantaalo ay Xamaas ka tuurtay Gaza oo haleelay gudaha Israel sida ay xaqiijiyeen booliiska iyo ciidamada Isra’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here