Itoobiya: Gudoomiyihii Doorashooyinka Oo Is-casishay & Ra’iisalwasaare Abiy Axmed Oo Iftiimiyey In Aanay Doorasho Dhici Karin Xiligan

0
481

Itoobiya: Gudoomiyihii Doorashooyinka Oo Is-casishay & Ra’iisalwasaare Abiy Axmed Oo Iftiimiyey In Aanay Doorasho Dhici Karin Xiligan

Addis-Ababa, 09 June 2020 (Warsugan)-Gudoomiyaha Doorashadda aqalka sare ee dalka Itoobiya Khayriya Ibraahim, ayaa iska casishay xilkii gudoomiyaha doorashooyinka

waddankaas. Islamarkaanna waxay sheegtay in ra’iisalwasaare Abiy Axmed ku tumanayo

sharci iyo distuurkii waddanka.

Khayriya Ibraahim, waxa kale oo ra’iisalwasaare Abiy ku eedaysay in xukuumaddiisu u muuqato mid dhabbaha saartay jidkii kali-talisnimadda oo uu rabbo inuu sii jooggo si aan sharci ahayn.

Sidoo kale waxay hadalkeedda ku ladhay in aanay ka qayb noqonayn waddan distuurkiisa lagu tarki falayo oo aad mood inuu dalku isu-bedelay dawlad digtarooriya.

Itoobiya iyo baarlamaankeedu wuxuu ahaa in doorashaddu dhacdo october, laakiin waxa dib loogu dhigay xannuunkan aafeeyey dunnida ee coronvirus waxa dib loogu dhigay ilaa August, waxaannu ra’iisalwasaaruhu shalay ka hadlay aqalka hoose waxaannu sheegay in aanay caqli gal ahayn in doorasho dhacdo xiligan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here