Itoobiya Oo Shaqada Ka Joojisay Laba Ka Mid Ah Hay’adaha Gargaarka Ee Ka Howlgala Gobolka Tigray

0
220

Laba ka mid ah hay’adaha gargaarka caalamiga ah ayaa salaasadii shalay sheegay in dowladda Itoobiya ay joojisay qeyb ka mid ah gabi’aanba howlihi bani’aadannimo ee ay ka wadeen gobollo ku yaalla Itoobiya oo ay ka mid yihiin gobollada Tigreega iyo Soomaalida.

Hay’adaha kala ah Dhaqaatiirta Aan Xuduudda Laheyn iyo Golaha Qaxootiga Norway ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku qasabtay in ay hakiyaan howlgallada ay ka wadaan Itoobiya 30-ki bishi July.

Afhayeen u hadlay hay’adda Golaha Qaxootiga Norwary ee NRC ayaa sheegay in sababta shaqada looga joojiyay ay tahay, dowladda oo ku eedeysay in shaqaalaha ajnabiga ah ee hay’addan ayna heysan ruqsadda shaqada.

Hay’adda Dhaqaatiirta Aana Xuduudda Laheyn ee MSF ayaa iyaduna sheegtay in saddex bilood kahor laga joojiyay howlihi bani’aadannimo ee ay ka wadeen gobollada Tigray, Amhara, Gambella iyo kan Soomaalida, iyadoo aanan loo sheegin wax sabab ah.

Afhayeen u hadlay hay’addan ayaa sheegay in ay si deg deg ah dowladda uga doonayaan sababta looga joojiyay howlahii ay Itoobiya ka wadeen.

Redwan Hussein oo ah afhayeenka dowladda Federaalka Ethiopia ayaa bishi hore ku eedeeyay qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee gargaarka, in ay door burburin ah ka ciyaarayaan colaadda ka taagan gobolka Tigray.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hey’adahani ay ‘hubeynayaan’ xoogagga Tigray ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya.

Dhinaca kale, madaxa arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa uga digay dowladda Itoobiya eedaha ay u soo jeedisay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ee ka howlgala gobolka Tigray, eedahaas oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo khatar ah oo ay waajib tahay in ay in la joojiyo.

Martin Griffiths ayaa sheegay in dagaallo ka dhacay gobolka Amharada iyo Cafarta ay sababeen in ay ku barakacaan in ka badan 200,000 oo qof, kuwaas oo hadda u baahan gargaar bani’aadannimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here