Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in la qabtay 15 qof oo lala xidhiidhinayo qorshe lagu weerari lahaa safaaradda Isutagga Imaaraatka Carabta ee caasimadda, Addis Ababa.
Wakaaladda wararka Itoobiya ee loo soo gaabiyo (EPA) ayaa Arbacadii soo xigatay bayaan ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Qaranka Itoobiya NISS oo sheegtay in dadka la qabtay ay ku shaqeynayaa awaamiir shisheeye.
Howlgalka ayaa sidoo kale lagu soo qabtay Hub badan, waxyaabaha qarxa iyo dukumiintyo ay isticmaalayeen kooxdan la qabtay sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee FANA.
“Kooxdan oo awaamiirta ka qaadanayay koox ajnabi ah oo argagixiso ah ayaa isku diyaarinayay inay waxyeello weyn u geystaan hantida iyo nolosha dadka,” ayeey tidhi EPA.
Laakiin lama sheegin cid gaar ah oo ay gacan saar la leeyihiin dadka la sheegay in la qabtay ee doonayay in ay weerarran safaaradda Imaaraadka ee Addis Ababa.