Itoobiya Oo U Aqoonsatay Ururka TPLF Argagaxiso

0
443

Dowlada Itoobiya waxay ku dartay liiska argagixisada laba kooxood oo hubaysan, oo ay ku jiraan Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Kulan ay yeesheen golaha wasiiradu dowlada Itoobiya ayaa waxay ku ansixiyeen qaraar sabtidii loo aqoonsaday kooxda TPLF iyo weliba kooxda kale ee OLF-Shen inay yihiin argagaxiso, kadib weeraro dhowr ah oo meelo kala duwan oo dalka ah lagu bartilmaameedsaday dadka shacabka ah iyo kaabayaasha bulshada

Tallaabadan ayaa horseedi karta in dacwad lagu soo oogo xubnaha kooxahan iyo taageerayaashoodaba.

Bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada koox “ay u shaqeeyaan sidii argagixiso isla markaana madaxdooda ay ku kacayaan falal qaran dumis ah”.

Si ay soo jeedinta golaha wasiiradu u dhaqan gasho waxay ahayd inay ansixiyaan xildhibaanada Itoobiya.

Warbixin ay daabacday horaantii bishii April ee sanadkan hay’ada ka hortagga khilaafaadka ee ICG oo fadhigeedu yahay Brussels ayaa lagu sheegay in weli ay dagaalo ka dhacayaan bartamaha iyo koonfurta Tigray.

Tirada dagaalyahanada daacada u ah kooxda TPLF ayaa u muuqata inay sii kordhayso sababta oo ah cadhada sii kordhaysa ee ka dhalatay tacadiyada, ayay tiri hay’adu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here