Ivory Coast Oo lix Saxafi U Maxkamadaysay Sidii Ay U Tabiyeen Wararka Askar Gadooday.

0
309

Ivory Coast Oo lix Saxafi U Maxkamadaysay Sidii Ay U Tabiyeen Wararka Askar Gadooday.
Lix saxafi oo reer Ivory Coast ayaa la soo taagay maxkamad iyaga oo loo haysto in ay halis galinayaan amaanka dalka.
Saxafiyiintan ayaa loo haystaa warar ay qoreen todobaadkii hore oo ku saabsanaa askar gadooday.
Saxafiyiinta ayaa ku waramay in ciidammadan gaark ah ay dalbadeen lacag aad u badan si ay u soo afjaraan gadoodka.
Dawladda ayaase sheegtay in ay dib ugu noqdeen shaqada shuruud la’aan. Xataa waxay dawladdu sheegtay in ay askartu raaligalin ka bixiyeen labadii maalmood ee ay mudaaharaadka ka dhigeen saldhiga Adiake oo u dhaw xadka Ghana.
Lixdan ruux ee Tifaftireyaasha iyo weriyeyaashaa ka kooban waxay u shaqeeyaan afar wargays oo madaxbanaan, kuwaas oo kala ah Le Temps, Notre Voie, Inter and Soir Info.
Labo maalmood markii ay xabsiga ku jireen ayaa la sii daayay.
Laakiin dacwadaha ay wajahayaan ayaa ah in ay halis galinayaan ammaanka dalka taas oo horseedi karta xabsi ilaa shan sano ah.