Jaamacadda Hablaha ee BARWAAQO. By Khadar Baaruud

0
864

Jaamacadda Hablaha ee BARWAAQO.

Jaamacadda Barwaaqo tan iyo markii la bilaabay dhawr jeer oo kala duwan ayaanu kormeer ku tagnay maalin ka mid ah annagoo ka kooban waalidiin, culimo iyo masuuliyiin kala duwan maalin waxaanu la fadhiisanay ardayda fasaladooda iyagoo xiisadihii ku guda jira si aanu xogogaal ugu noqonno habsami j socodka waxbarashadooda ardaydaa kalsooni, dadaal iyo akhlaaq ayaa ka muuqatay dhamaantood fasalka aanu galnaba suaalo kala duwan ayaanu waydiinaynay ardayda iyo macalimiinta oo la tacaluqa nidaamkooda waxbarasho waxaanay ahaayeen markoodii hore arday kusoo baxay kaalmo sare soona dhamaysatay dugsiyadii sare ardaydani waxa ay ka kala yimaadeen dhamaan Gobollada JSL waxaanay bartaan the Facult of Education salaaddii duhur oo goobtan naloogu eedaamay ardaydu dhamaantood waxay uwada baxeen salaadda.

Gabadh ahayd maamulkii jaamacadda oo magaceeduna ahaa Ava dhalashadeeduna ahayd maraykan si wanaagsan ayey noogu soo dhawaysay jaamacadda waxaanay ahayd qof waayo arag oo soo maamushay institutions aqooneed oo iskugu jira jaamacado iyo dugsiyo waxbarasho oo waaweyn maraykanna ku yaalla waxaanan ku aragnay inay aad u ixtiraamayeen maamul iyo macalimiin qawl iyo ficil dhamaantood qiyamka iyo akhlaaqiyaadka bulshadeena oo diintu sal u tahay macalimiinta qaarkoodna reer Somaliland ayey ahaayeen, marar badan oo dambe oo hawl shaqo aan u tagnay si cad oon madmadaw lahayn ayey maamulka jaamacaddu dawladda iyo bulshada ku xidhan oo waalidkukow ka yahay ula shaqnayeen.

Maalintaa waxa noo soo baxay kormeerkaa dabadii in ay kasoo bixi doonaan Jaamacaddan hablo Macalimiin ah oo baahi weyn aynu u qabno wakhtigan qaran ahaan oo innoo badali doona macalimiinta ajanabiga ah ee kiiniyaanka u badan ama ama dalaka kalee guud ahaan ajaniba oo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba aynu kala duwannahay ee wax ka dhiga dugsiyada kala duwan ee dalka.

Midhihii u horeeyey oo dalkoodii wax ku bartay manhaj wanaagsan oo tayadiisa aqooneed saraysana soo qaatay ayaa jaamacaddan kasoo baxay ilaahayna ha ka dhigo kuwii dalkeena iyo dadkeenaba anfaca, dadka baraha bulshada Jaamacaddan ka dhaliilaya waa laba qolo qaar ay lexejeclo ka tahay iyo qaar dano kale leh haddii waxbarashada ardaydan dhaliili ka jirto amma uu jiro barnaamij aan waafaqsanayn nidaamkeena waxbarasho uu jiro waxa hubaal ah in xukuumadda oo masuuliyadi ka saarantahay si degdeg ah wax looga qaban doono.

Uma baqayo ardaydeena oo diin iyo akhlaaqiyaad aynu ku barbaarinay guri kastana ay kala yimaadeen in si fudud lagu majaro habaabin karo ilama aha, ardayda qaarkood ayaa xaafidul quraan ahaa oo waalidkood kusoo tabcay ardaydan kuna darsoo waalidkoodu ardaydan maanta way ka ag dhawyihiin marna way la joogaan soona booqanayaan ama la hadlayaan wax kasta oo ay uga baahdaan inta aanay waxbarashada ku guda jirin mar labaadna ardaydani calankoodii ayey hoos joogaan.

By Khadar Baaruud
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here