Jabuuti: Fashilkii Midnimadda Ee Is-garabsiinta  Abiy Axmed, Maraykanka & Go’aan-qaadashaddii Biixi

0
481

Jabuuti: Fashilkii Midnimadda Ee Is-garabsiinta  Abiy Axmed, Maraykanka & Go’aan-qaadashaddii Biixi

Jabuuti, 17 June 2020 (Warsugan)-Shirkii gogol xaadhka wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka furmay dalka Jabuuti, ayaa waji cusub u yeelay midnimada laga dhex raadinayo wada-hadaladaasi.

 

Kulanka oo  u muuqday mid quus sii galiyay midnimada Soomaaliya, maadaama ay Somaliland goobtaasi si adag uga cadeysay mowqifkeeda gooni-goosaadka ee mudada badan aqoonsiga u weyday.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa soo bandhigay inaysan marnaba aqbaleyn midnimo dib u dhalata, midaasi oo meesha ka saaraysa dadaaladii Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo Safiirka Mareykanka Soomaaliya, oo iyagu waday qorshe dib loogu soo celinayo midnimadii luntay.

 

Waxaana xusid mudan in Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ku fashilmay qorshihii midnimada ee uu dabada ka riixayey, isagoo garab ka helaya Mareykanka.

 

Madaxda Somaliland ayaa marnaba ku dhiiran karin ka tanaasulka mowqifka gooni isu-taaga, taasi oo sii fogeynaysa ujeedadda ay beesha caalamku ka leedahay wada-hadaladaasi.

 

Somaliland ayaa shirka beesha caalamka ugu soo bandhigtay qadiyadeeda, midaasi oo u muuqatay gool siyaasadeed oo ay ka dhalisay dowladda federaalka oo iyadu u hanqal taageysay midnimo la isku af-garto.

 

Dowladda federaalka ayaa iyadu laftigeeda u muuqatay mid aan qorshe cad la hortagin shirkaasi oo aan ka aheyn ‘midnimo’ ay adag tahay inay xiligan ka dhex dhalato Soomaaliya iyo Somaliland oo ku sii kala fogaaday xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan.

 

Wada-hadalada Jabuuti ayaa waji cusub u yeelay wada-hadalada labadda dhinaca, iyadoo la rumeysan yahay inaysan wax buuran oo taariikhi ah aannu ka soo bixin shirkaasi.

 

Wargeyska Warsugan Media Group

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here