Jaceylkii oogta shiday!!!

0
1487

Jaceylkii oogta shiday!!!

Waxaan ahaa siddeed iyo toban jir markii fallaadhaha jacaylku indhahayga saaqeen, ruuxdaydana hujuumeen, waa markii uhorreysay ee ujaceyl ihaleelo.
Farxaan Jirde waxa uu ahaa ruuxii horreeyey ee naftayda kartidiisa ku habba, iguna hoggaamiyey beeraha kalgacaylka.
Waxaan si khushuuc leh uga baarandagaa micnaha jaceylka, waxaan dareema nux-nuxda ereyga jaceyl oo bishmahayga kasoo boodaya.

Farxaan waxaanu is barannay galab axad ah, galabtaas waxa aad iso jiitay dabcigiisa, dhaqankiisa iyo kartidiisa, waxa uu noqday ninkii ugu horreeyey ee kalgacaylkiisu itusay beerta cishqiga, gabadh kasta oo jacayl ehel u ahi waxay leedahay Farxaan oo kale kaaso kalinnimadeeda farxad ugu buuxiya, habeennadeedana wehel uga dhiga heeso.
Noloshaydu waxay noqotay mid suursan, waxaan noqday qofka dunida ugu farxadda badan, sawirradiisa iyo dhoollacaddeyntiisa isaga ugaarka ah ayey naftu quudataa, waa qof aanu si aada isu fahannay, waxa uu ii hoggaamiyey janno ah jaceyl saafi ah, waxa uu igu kallifay wayneynta ragga anigoo mar waliba isaga tusaale uso qaadanayay.

Maalmuhu waxay isu dhaafayaan sida mawjadaha habeennaduna siday aroosyihiin.
Gu’yaal badan baa sidaa ku tagey, qof kasta waxa uu isku dayaa inuu saacadaha soocan ee cajiibka ah maskaxda ku dajiyo xasuusaha jacaylkiisii hore, markaasa xasuustiisu bullaashaa oo dareen rooxaan ahi yimaaddaa.

Maanta waxa jaal ii ah xasuuso wadnahayga murugo ku habaya, wiilashaydana ilmo ka shubaya, waa xasuuso qodaya boog daawo lagala quustay, waxay xoqayaan meelaan cidi gaadhayn, kaliya waxaan daremayaa in jeex iga maqanyahay.
Ayaamuhu way isdaba socdaan walow ay luudayaan, buugga iyo qalinka ayaa wehel ii ah waa saaxibka iigu dhow iyaga ayan weheshadaa oon ku ciil baxaa.

Jacaylkaygii Farxaan wuu galbaday, Adduunkanna wuu macasalaameeyey, kaliya waxa uu iiga tagay wadnaha dardhanaya, wadnahaygu waa markhaati magaca Farxaan ku wardiya, Aamusnaan ayan markasta shardi ka dhigtaa o nafta ku layliyaa, marksta oon booqdo xabaasha xididdada dhirta ku hareraysan ee soo nuugaya nafaqadii unugyada jidhkiisa soo masoo tabinayan urugada dhex ceegaagta…

Waa tan oo maanta waxaan dul yuururaa qabrigii jaceylka, waxaan la sheekaysanayaa quruumo inaga dahsoon, ilmada indhahayguna waxay waraabinayaa dhirta ka ag dhow qubuuraha,

Dadkaba qaar baa ku jira
Waxay ka durraansadaan
Ka hela daa’iinka rabbiye,
Haddaan weliyada digriga
Dibnaha an ka qaadahayn
Duceeyee idhaa toloow
Miyey qof la duugayoo
Dorraad go’ay soo ceshaan?

Ma ruuxda la daadahshee
Malaa’igtu duulisaan
lntaa daba luudayaa?

Ma caalamka daahanee
Il daawatay aan arkayn
Iftiinka ka daaran baan
Daboolka ka qaadayaa?

Saaxiibadayow marka aad ag maraysaan dhismaha weyn ee keynta muuska ah fadlan si deggan usocda idinkoo tallaabada cutinaya oo qabriga jaceylka shanqadha kabihiina ka dhawraya, dabadeed ku baydha oo ii dhunkada idinkoo magacayga xusaya oo leh “Halkan waxa ku dhan riyooyinka Naftaadi aad kala irdhowdeen, taaso ah maxbuus jaceyl oo badduhu dabreen, halkanna waxay ku lumisay farxaddeexii, waxay ku daadisay ilmadeedii, waxayna illowday dhoollacaddeynteedii, cidla ayey ku wardiyeysaa yado xusaysa magacaaga!”
Cakuye dhalinyarooy waxaan idinka codsanayaa inaad huwisaan qabriga jaceylka xidhmooyin ubaxyo gudduud ah kuwaasoo astaan iyo summad u ah dabarkii jaceylkayaga!….

W/Q: Dr Balqiis ibrahim
Sheeko fanneed.