Jaliyada Somaliland Ee Ku Dhaqan Magalada Karlstad Ee Cariga Sweden Oo Si Wayn U Xustay Maalinta Qaranka Somaliland Ee 18 May+Sawiro
Sweden (Warsugannews)Waxaana Jaaliyada Somaliland Ee Gobolkaasi ay U Noqonaysaa Markii 4 Aad Ee Ay Ku Xusaan Gobolkaasi 18 May Maalinta Calanka Somaliland Dadkii Ka Hadley Xaflada Ayaa Dhamaantood Ku Dheeraaday Qiimaha Ay 18 May U Leedahay Shacabka Reer Somaliland
Waxayna Is Xasuusiyeen In Calanka Dhib Yaraan U Iman Intaas Oo Geesi Aynu Ku Weynay Iyadoo Loo Duceeyay Intuu U Dhimatay Nabada Aynu Maanta Haysano Waxayna Bulshada Reer Somaliland Kula Dardaarmeen In Danta Gaarka Ah Laga Hormariyo Ta Qaranka Waxana Ina Walaaleeya Noqdo Calanka Somaliland
Xafladu Waxay u Socotay Jawi Aad u Farxad Badan, Sidoo Kale Waxaa La Soo Ban dhigay Heeso ,Riwaayado,Ciyaaro Dhaqameed Ah oo Aad Loola Dhacay,Sida Saylaciga Shaandeerta ,Ugu Danbayntiina Xafladu Waxay Ku Soo Gabagabowday Jawi Aad U Fiican Isla Markaana Dareen Xamaasadaysayn Iyo Shucuur Wadaninimo Leh.
Jaaliyada Magaalada Karlstad Ee Gobolka Värmland Ee Dalka Sweden
Allah mahad