Jamhuuriyadda Somaliland Oo Dal-weynaha Maraykanka Iyo Shacabkiisa Ku Hambalyeynsay Sannad Guurada Ka Soo Wareegtay Markii Ay Madax-bannaanida Qaateen

0
685

Jamhuuriyadda Somaliland Oo Dal-weynaha Maraykanka Iyo Shacabkiisa Ku Hambalyeynsay Sannad Guurada Ka Soo Wareegtay Markii Ay Madax-bannaanida Qaateen

Dhambaal Hambalyo Madaxweyne : 04/07/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Uu Dal-weynaha Maraykanka Iyo Shacabkiisa Ku Hambalyeynayaa Sannad Guurada Ka Soo Wareegtay Markii Ay Madax-bannaanida Qaateen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dal-weynaha Maraykanka oo ay ku beegan tahay Xuska sannad guurada 244-aad ee ka soo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay Boqortooyadii Ingiriiska 04-July-1776-kii.

Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi shacabka iyo Dal-weynaha Maraykanka ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan maanta oo ay ku beegan tahay, waxaana xusid mudan in markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26-June 1960-kii uu gudoomiyihii hore ee Gobolka Massachusetts, Mr. Cristian Archibald Herter oo markii danbena noqday xoghayihii arrimaha dibeda ee dal-weynaha maraykanku uu dawladda Somaliland iyo shacbigeeda ku soo hambalyeeyey xornimadii ay ka qaateen boqortooda Ingiriiska oo ay labada dal ka xoroobeen wakhtiyo kala duwan, sidaa awgeed dawladda iyo shacbiga Somaliland waa kuwo xasuusan marwalba dalalka ay wadaageen halgan iyo taariikho isu eeg.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo dal-weynaha Maraykanka xornimada iyo horumarka 244-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here