JANANKA BILAYSKA OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYEY CIIDAMO DHAMAYSTAY WAXBARASHO HEER JAAMICADEED AH

0
511

JANANKA BILAYSKA OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYEY CIIDAMO DHAMAYSTAY WAXBARASHO HEER JAAMICADEED AH

Hargeysa (Warsugannews)-Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa shalay tababar u soo xidhay 30 askari oo muddo labo sano ah wax ka baraanaayay Jaamacada guud ee magaalada Hargeysa.6-32-740×555

Xidhitaanka Tababarka oo ah waxbarasho ay soo barteen ciidamadu ayaa lagu qabtay Xarunta taliska ciidanka Booliska Somaliland waxa ka qayb galay Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa,Taliyaha Ciidanka Booliska,gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Hargeysa, Saraakiil ka socday Ciidanka iyo sido kale saraakiil ka socday Haayada UNDP oo iyadu maal galisay hirgalinta waxbarashada 30 asakari ee ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland.

Ugu horeyn waxa madasha ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto C/laahi Fadal Iimaan oo sheegay in uu aad usoo dhawaynaayo Ardayda wax u baratay Ciidanka Booliska Somaliland isaga oo shegay in ay wax badan ka badeli doonaan Hanaanka Shaqo ee Ciidanka iyaga oo ku dabaqaaya waxa ay soo bartee.

Sidoo kale waxa uu taliye Fadal u mahadnaqay Haayada UNDP iyo Jaamacada Hargeysa oo uu sheegay in ayna marnaba ka daalin la shaqaynta iyo waxbarida Ciidanka Booliska Somaliland.

Gudoomoiyaha Jaamacada Hargeysa oo dhankiisa halkaas ka hadlay waxa uu sheegay in ardaydani aanay ahayn kuwii ugu horeeyey ee ay wax baraan balse ay hore dufcado kale uga qalin jabiyeen kuwo danbena ku xigi doonaan, waxaana uu gudomiyuhu hoosta k xariiqay muhiimada ay leedahay in ciidamada dalka wax al baraa.

Sarkaal ka socday UNDP waxay sheegtay in ay ku dadaalan sidii ay gacan wayn u siin lahaayeen Cidanka Booliska oo ay mar walba la shaqeeyaan ciidankauna yihiin hayada kaliya ee Somaliland ay UNDP sida tooska ah ula hawl gasho.

Gabagabadii waxa halkaas ka hadlay masuuliyin kale oo soo dhaweeyey aqoonta ay barteen ciidanku waxaanay kula dar darmeen dhalinyaradaasi in ay waxa ay barteen bulshadooda ugu shaqeyaan.

30-kan askari ee dhameeyey waxbarashada jamaacada hargeysa ayaa ah ciidamo iskugu jira rag iyo dumar