Japan ayaa dhisaysa kombuterka ugu wayn adduunka uguna dhaqsaha badan

0
339

WAAXA DIYERIY YAASIR BR

Japan ayaa bilowday mashruuc ay ku dhisayso kombuterka ugu wayn ee ugu dhaqsaha badan dhamaadka sanadka 2017.
Japan waxay sheegtay in la qorshaynayo in lagu qarash gareeyo £140 milyan si loo sameeyo kombuterka AI Bridging Cloud (AIBC).
Waxay rajaynaysaa in AIBC uu ku shaqayn doono xawaare gaaraya 130 petaflops, oo ka dhaqso badan kombuterka Sunway TaihuLight ee Shiinaha ee ah kan ugu dhaqsaha badan.
Mashiinka ayaa loo isticmaali doonaa in lagu sameeyo daraasaadka xogta tirada badan ayay sheegtay Japan
Shaqada ugu horeeya ee uu qaban doono kombuterka ayaa waxay noqon kartaa daraasaad caafimaad ama shaqo lagu horumarinayo borogaraam kombuterka loo isticmaalo baabuurta aan darawalka lahayn iyo mashiinada robot-ka ah.
Awoodda kombuterka AIBC, ee la filayo ayaa ka dhaqso badnaan doonta 93 petaflops oo uu hadda yahay kombuterka Sunway TaihuLight ee Shiinaha, kaasoo meesha ugu saraysa ee uu gaari karo ay tahay 125 petaflops.
“Inta aan ognahay, ma jiro wax ka dhaqso badan,” ayuu ku sheegay Satoshi Sekiguchi, oo ah madaxa ‎(National Institute of Advanced Industrial Science and Technology), hadal uu soo saaray.
Ma cada processor-ka loo isticmaalayo mashiinka. Shiinaha ayaa go’aan ku gaartay inay soo saarato mid ay leedahay markay samaynaysay kombuterka Sunway.
Ganacsatada Japan ayaa u suurto gali doonta inay kiraystaan waqti ay kombuterka ku isticmaalaan si ay u samaystaan daraasaad.
Dowladda ayaa rajaynayso inay ka maarmi doonaan shirkadaha sida Amazon, Microsoft iyo Google markii ay u baahdaan konbuter awood badan leh
Mashruuca lagu dhisayo kombuterka AIBC, ayaa ka mid ah barnaamij ay dowladda ku doonayso in lagu soo celiyo sumcadii ay Japan ku lahayd sayninka iyo teknoolajiyada.