Javier Mascherano Oo Jimcaha Qalinka Ku Duugi Doona Heshiiskiisa Cusub Ee Uu U Saxiixi Doono Kooxda Barcelona

0
350

Waxaa la shaaciyay waqtiga uu Javier Mascherano sida rasmiga ah u saxiixi doono heshiiskiisa cusub ee Barcleona isaga oo Camp Nou sii joogi doona ugu yaraan ilaa sanadka 2019. Heshiiska cusub ee Javier Mascherano ayay Barcelona hore u shaacisay balse wali waxaa hadhsan in xidiga ree Argentina uu si rasmi ah qalinka ugu duugo.

Barcelona ayaa sidoo kale si rasmi ah heshiiskii cusubaa ee Neymar JR uga saxiixi doonta basle wali waqti rasmi ah looma qaban balse  Javier Mascherano ayaa jimcaha saxiixi doona heshiiskiisa cusub ee Barcelona iyada oo uu xidiga ree Argentina uu si rasmi ah u saldhigan doono kooxdiisa Balaugrana oo iyada  tan iyo xagaagii kooxda Juventus lala xidhiidhinayay.