”Juventus waxay ku dhaqaaqday khalad aad u wayn oo aan la aqbali karin” – (Maxaa dhacay!)

0
359

waaxa qorey yaasir br

– Juventus ayaa lagu eedeeyay inay ku dhaqaaqday “fal aad u khaldan oo aan la aqbali karin” kaddib markii ay warsidaha Gazzetta dello Sport ka mamnuuceen ciyaarta Pescara ee caawa, sida ay sheegeen Iskaashatada Warbaahintu.

Waxaa la sheegayaa in ay arrintani qabsatay 2 weriye oo ka socda warsidahan oo uu saldhiggiisu yahay magaalada Milano oo looga dhaartay inay gudaha u galaan garoonka Juventus Stadium.

Arrintan ayaa sida la fahamsan yahay waxay salka ku haysaa aarsi waayo La Gazzetta dello Sport ayaa horay u qoray sheeko khuseeysa Gigi Buffon oo ay sheegeen inuu yiri kooxaha “Talyaanigu nagulama tartamaan horyaalka Serie A” – taasoo ay aad u beeniyeen Juve iyo laacibka intaba.

“Go’aanka Juventus ay qolka warfaafinta (Press Room) ay ugu diideen weriyayaasha La Gazzetta dello Sport waa mid aan la aqbalin oo khalad ah isla markaana ku tumanaya xuquuqda weriyayaasha isla markaana ma xushmaynayaan xeerarka CONI (Italian Olympic Committee),” ayay u akhrismaysay xog kasoo baxday Italian Sports Press Union (USSI).

“Labadan weriye waxay haystaan kaararka Guddiga Olombikada Talyaaniga ee CONI, kuwaasoo xaq u siinaya inay geli karaan waqcad kasta oo ciyaareed.  USSI waxay waydiisanaysaa CONI, FIGC iyo Lega Serie A inay arrintan soo fara geliyaan si aysan u dhicin arrin weji gabax ku noqota ciyaaraha Talyaaniga iyo xorriyatul qoowlka.”