KALSOONI DARADA MAXAA KEENA? W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( GEELE)

0
1532

KALSOONI DARADA MAXAA KEENA?

W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( GEELE)

Inta badan qofka markuu kalsooni daro ku dhacdo macnaheedu waa baqashaa ku jirta waxaa uu isleeyhay ganacsi hagalin waxa laga yaabaa inaad ku khasaarto arintaa hadaad xal u rabto waxaa isweydiinaysaa Horta maxaan ka baqanayaa ? Markaad ogaato waxaan aad ka baqanayo, Sidee baan uga hortagi karaa ? markaad ogaato sidaad uga hortagi karto isla markaana waxa kaa tagaya kalsooni daradii .

sidaa daraadeed markay kalsooni daro kugu dhacdo waa inaad iweydiisaa kalsooni darada maxaa keenay? soo baqasho may keenin ka dibna waxa uu ka baqanayey waa inuu xaliyo , arintaa waxaa lamida markaad rabto kalsooni inaad naftaada ku abuurto waa inaad noqotaa qof qaata riskiga (khatarta) meeshaad is leedahay waad ku dhacaysaa hadaad markasta ka istaagto oo aad markasta khatarta ka baqato kalsooni daraa kugu abuurmaysa meelna gaadhi maysid waligaaba ganacsi ma gali kartid ,oo markaa waxaa lagaa rabaa inaad riskiga qaadato marka hore is weydii riskiga aan ka baqanaya intee in le’eg ayuu suurta gal yahay inuu dhacayo oo aad analayse ku samaysaa oo aad lafa gurtaa waxaad eegaysaa intee buu macquul yahay ee uu dhici karaa hadii aad aragto inuu riskigan dhacayo waad ka istaagaysaa laakiinse hadaad u arakto inuu aad u yaryahay in uu dhaco waad qaadnaysaa khatartaa hawshiina waad galaysaa marka qodobkan waa qodobada lagu xaliyo kalsooni darada markasta aad riskiga qaadato kalsooni baad helaysaa waxa kaloo kamida waxyaalaha lagu xaliyo kalsooni darada markasta aad riskiga qaadato kalsooni baad helaysaa waxa kaloo kamida wax yaalaha lagu xaliyo kalsooni darada inaad go’aamada qaadato markastoo go’aan qaadashadaada badato waa markaad kalsooni aad helayso sababtoo ah markasta khibrad bay naftaada helasyaa go’aan markaad qaadato khibrad baad ka helaysaa markastoo khibrad dheeraada aad heshana waa markasta kalsooonidaada ay sii abuur mayso laakiinse waxa shardiya go’aamada markaad qaadnayso waa inaad lafa gurtaa oo aad dhican walba ka eegtaa waa inaad ogaataa go’aankaad qaadanayso inuu u dhowyahay kii saxda ahaa markaad dhinac kasta ka eegto ee aad ku qanacdo ee aad kala hufto ee aad qaadato go’aanka saxda waa inaad ku adkaysataa waxa markaa imaanaya kalsooni inaad hesho waxyaalaha kale ee ugu muhiimsan waa inuu qofka fashilka tijaabo ka dhigto oo uu ka faa’ideesto hadaad istidhaahdo waad fashilmaysaa markasta waxa imaanaya kalsooni daro waxaa lagaa rabaa inaad isku qaado meela badan haduu fashil ku soo gaadho tajribo aad ka dhigato kana faa’ideesato aad kor uga socoto xaqiiqada la ogaaday waxa weeyaan qofka ilaa uu fashilmo guusha dhabta ah ma gaadhayo marka aad fashilanto ayaa waxaad isweydiinaysaa maxaan u fashilmay ka dibna markay kuu soo baxdo kor baad uga sii soconaysaa .

Sidoo kale inaad akhrido dadkii guulaystay taariikhdooda dadbaa soo rafaaday dadbaa guulaystay caalamkan reer galbeedka guushu waxay ku soo gaadheen rafaad iyo dhibaato iyo halgan markastood ugaato inay jiraan dad adiga kulamid ahaa oo waxan gaadhay oo soo halgamay naftaadu kalsooni bay ku abuuraysaa oo waxaad isweydiinaysaa dadkaaba wey gaadheen aniga maxa ii diidaya oo aniga miyaana lamid ahayn isku maskax maanan ahayn waan gaadhi karaaa hadaba markaad qisaskii iyo sheekooyinkii dadkii guulaystay aad akhrido waxaa imaanay naftaadu inay kacdo kalsooni inaad hesho ka dibna ay dhaqaajiso waxa kaloo lamidaa inaad aqoontaada kor u qaado oo markastaad aqoontaada kor u qaado waa markaastood kalsooni helayso kaba soo qaad ,Accounting baad baratay hadii aad isku daydo inaad ku noqoto qof khabiira oo isaga wax laga weydiiyo hadii aad ku dadaasho kalsooni baad helaysaa mar alla marka accounting laga hadlaayo waxaad aaminaysaa inaad tahay qofka ugu mudan ee ah inuu ka hadlo markaa waxaad heshay kalsooni waaxad ku heshay aqoon shaygii baad aad u baratay aad baad aqoontiisa u baadhay kutubtiisaad akhriday waxaa markaa aad heshay kalsooni sidaa daraadeed hadii aad kalsooni rabto inaad hesho oo shaqada ku hesho waxaad isku daydaa waxa aad ka shaqeenayso inaad noqoto qofka ugu fiican ugu khibrada badan cid kastoo wax kaa weydiisa ,interview hadii lagaa qaadayo iyo imtixaan hadaad galayso waxaad noqonaysaa qof si caadiya uga jawaabo sababtu waa mxay naftaadu waxay yaqiinsatahay inay khibradeedii iyo aqoonteedii ay leedahay.

Sidoo kale inaad raacdo dadka qaabka positiveka ah u fikiraya dadka ku dhiiri galinaya ayaa lagaa rabaa inaad la joogto iska ilaali inaad raacdo dadka aad odhanayso waa negative wax kasta ka eegaya dhinaca xun wax kasta odhanaya waxaan lama qaban karo waxaasi waa adagyihiin waxaasi suurta gal maaha dadka sidaa usameesan ee laga yaabo dalka inaanay jecleen oo leh dalku waxba ma yaalo dalku waa kan hadaad dadkaa raacdo adiguna qaabkaa inaad u fikirto naftaaduna ay tidhaahdo meeshan shaqa ma taalo ,shaqo lama helaayo ,waxbarasho mataalo aakhirka aad halkaa istaagto oo aad dhaqaaqi weydo ayaa imaanaysa .

Sidoo kale waa inaad hagaajiso muuqaalkaaga oo aaad is qurxiso qaabka dharka aad xidhantahayna iska hubiso sababtoo ah muuqaalka markaad hagaajiso naftaadu kalsooni bay siinaysaa , oo dadkan aad la kulmayso waxay eegaan qofka muuqaalkiisa iyo dharka uu xidhanyahay waxaad xidhantahay waa inay nadiif yihiin markaa waxa imaanaya dadka inay ku soo dhaweeyaan markasta isku day inaad qofk nadiif ah oo labiskiisu fiicanyahay ahaato markastana isku day kelimaadka aad adeegsanayso kalmada fiican inay noqdaan kelimaad ku dhiira galinaya inay noqdaan iska ilaali kelimaadka negativeka waxaad inta badan isticmaashaa kelimaad ah inaad guulay sanayso inaad meel gaadhayso inaad wax qabsankarto inaad karti leedahay, inaad aqoonleedahay hadaad kuwaa badiso maskaxdaaday galayaan markay maskaxdaada galaana waxa imaanaya inay dareenkaaga galaan markay dareenakaaga galaana waxa imaanay suluukaaga iyo dhaqan kaag inay wax ka badalaan .

Qodobka ugu muhiimsan ee tilmaamaya qaababka kalsoonida lagu sameeyo waxa weeyaan inaad qaadato kalsoonida alle ,inaad ka fikirto ilaah swc waxaad sameenayso raali maka yahay halkaad ka eegayso dadka raali maka yihiin dadku maxay kaa sheegayaan dadka tolow maxay ku odhan doonaan inaad kalsoonida dhinaca dadka aad ka eegi lahayd waxaad ka eegta ilaahay raali makaa yahay si kale hadaan u dhigo waxaad isweydiisaa go’aankan aad qaadatay aakhira maxkamadeeda marka lagu soo taago maka jawaabi kartaa intaasoo keliya hadaad markasta isweydiiso halsooni baad helaysaa markaad ogaato go’aanka aad qaadatay inaad aakhirana ka jawaabi karto waxa imaanaya inaad ku dhaqaajiso markaa noloshaadu wey isbadalaysaa hadaad noloshaada oo dhan ku salayso wax kastoo qabanayso inaad ka eegto ilaahay SWC arintaa ma ogolyahay raali maka yahay aakhira maka jawaabi karaa , hadaad noloshaada oo dhan iyo go’aamada aad qaadanayso arintaa aad ku salayso waxaad helaysaa kalsooni , dadka kama baqanaysid ,isma odhanaysid tolow dadka maxay kaa sheegayaan ,isma odhanaysid dadku maxay iileeyihiin sidaa ,sababtu waa maxay kalsooni baad isku qabtaa hadii aad rabto kalsooni dhaba inaad hesho oo naftaada ku kalsoonaato oo go’aama saxa aad qaadato oo aad guul gaadho waxaa lagaa rabaa inaad isku xidho ilaah oo markasta isweydiiso arintaasi ilaahay SWC ma ogolyahay raali maka yahay markaasay imaanaysaa kalsoonidii dhabta inaad hesho wax kastana waad ku dhaqaajinaysaa wax ku hor istaagi karaa haba yaraatee ma jirto.

Aqoonyahan ,(Master Holder) Ahna Qoraa Somalilandera (GEELE)

Shaamcade2015@Gmail.Com