Karaamo qofkeed ma weydo!

0
797

Karaamo qofkeed ma weydo!

Dadku badankii aan idhaahdo idilkii, waxey ka helaan, u riyaaqaan, jecel yihiin isla jeerkaasna doonaan iney kasbadaan weynayn, qadarrin iyo ixtiraam. Taasoo jirta haddana badanaa oo badanaa inta taa kasoo horjeedkeeda ku tilmaanaata.

Waxa is weydiin leh waxaa la doonayo maxaa loo wada heli waayey?. Weydiintaa warcelinteedu waxey ila tahey ugu horeynba Alle (SW) ayaa umaddiisa haybad, burji iyo buruud ku kala galadey, marka labaad waxey ku xidhantahey hab-dhaqanka, dabeecadaha, dad la dhaqanka, xaalad la dariska iyo hawlo badan oo kale sida aad uga fal celisid kow dhe.

Waxeynu in yar ka taaban doonaa qoddobo dhawr ah oo laga helay dad badan oo maamuus iyo milgoba ku dhex leh bulshada ay ku dhex nool yihiin.

1. Runta ku dhimo: waxa nasiib darro, ayaan darro iyo doqoniimo ah iney dadka qaar iska dhaadhiciyeen in khiyaamo, been iyo wax is daba maris ay ku gaadhi karaan guul iyo horumar, balse waxaaney dhaadanayn haddiiba ay u rumawdo riyadoodaasi iney tahey mid da, yar oo wakhti yar gudihii kusoo af jarmaysa, taasi oo keenaysa in lagaa aamin baxo mustaqbalkaagan aduunyo iyo ka aakhiroba wax badan bay u dhimi doontaa.

2. Ballanta illaali: haddii aanad ballamahaaga shaqo illaalin sumcadaada suuqu wey dhimanaysaa ebar, sidaa si lamida balan kasta waa muhiim in aad dhawrto. Diinteena suubani waxey mar iyo inka badanba inagu guubaabisey ballanka, taas oo la gaadhsiiyey heer Munaafaq lagu tilmaamo qofkii aan oofinteeda ku dadaalin. Ku darsoo Soomalidu waatii ku maahmaahdey “Afkaagoo ku xidha oo ku furi waaya Alla goo baa la yidhaa” afkaaga adaa furaha u haya ee wixii aad ballan qaadeyso miisaanka saar.

3. Khaladkaaga Tuurta u rido: khaladka Aadamaynu u nahey oo waa dhacayaa, balse waa halka dadku ku kala baxo, haddii aanad qaadi kareyn masuuliyadda khalad kaa dhacey maxaa kale eed qaadi kartaa, ku dhiiro oo ku calool adeyg wixii gaf ah ee kaa dhaca, dabadeedna sida ugu haboon uga samato bax, khibradna ka gunto.

4. Hadalkaaga ka fiirso: waa ina aad deristaa, ka fiirsataa, aad uga taxadirtaa erayada afkaaga kasoo baxaya iyo halka ay ku socdaan, Hadal aan meeqaamkaaga, qofnimadaada iyo waxa aad tahey midna burineyn oo aad u meel dayday waa in uu kaa soo yeedhaa. Cidna ha eersan haddii ay ubadkaaga, asxaabtaada, oridaada/ninkaaga iyo shaqaalahaaguba isku si kuula hadlaan.

5. Muranka noociisa xun iska jir: waa hubaal in khilaaf ka iman karo arrimaha qaar iyo in lagu kala aragti duwanaan karo, balse laba qoddob ayaa muhiim ah, ta koowaad waxa weeyi in aad la timaado cadeymo la taaban karo oo doodaada xoojiya, ta labaadna waxey tahey inaad garawdo haddii lagaa saxan yahey.

6. Wax xun ka sheega ka dheerow: xumaha, aflagaada iyo fadhfadhka ceebaha dadka kale cidaad wax ka sheegtayna isa seegteen cidaad u sheegtayna isa seegteen, marnaba ha isku dayin inaad cid dhaleecayso xataa haddii ay dhibi idin dhex taalo.

7. Is dhul dhig: Illahey ma jecla dadka kibra saw ma ogid, sidaa si lamidana adoomihiisuna ma jecla, qof dhameys Tirana arladan laga waa, qof ba wax buu ku fiican yahey ood ka faa,iidi kartaa. Ku dadaal inaanad dadka iska saarin.

8. Cilmi iyo Caqliba korodhso: gu,gii kuu kordhaaba haddaanu gaaraad kuu kordhin gabaw mooyee ileen manfaco kale ma yeelatid, wakhtiga, waayaha iyo dhacdooyinka aad markhaatiga ka tahey waa iney si tabban kuu saameeyaan.

9. Cadawgaaga si habboon ula hadal: dhacdaa in dad xafiiltan idinka dhexeeyo dhankay doonto ha ahaatee Siyaasaddaba tusaale ka dhigo,oo. iney kaaga yimadaan warar aanad mahadin, looma baahna inaad seefta la boodid oo aad shir jaraa,id iyo fadeexad kula carartid. “Hubsiimuu nin Raggii hal siistaa” si aan bulshada wax yeelayn. meeqaamkaagana wax u dhimayn oo diblamaasiyadaysan waa in looga fal celiyaa.

10. Hareeraha eeg: waxaad ku dhex nooshahay deegaan dad iyo duunyoba leh, dadka kugu xeeran inaad xaaladahooda la socoto, dhib iyo dheef midday ku sugan yihiin eegto waa lagama maarmaan.

W/Q: Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com


Hiba Essa Mohamed
Admin & Finance Director
Somaliland Quality Control Commission (SQCC)
Pepsi, Hargeisa Office
Mail:hibafaakhir@gmail.com
Mail:hibo-light@hotmail.com
Skype: Hiba Essa
Mobile: +252-634024925 or +252-634137364