Karim Benzema oo ka saramaray tiradii goolasha Champions League-ga ee Thiery Henry…Yaa hada u xiga?

0
494

Karim Benzea waxa uu dhaafay tiradii goolasha ee uu Thiery Henry ka dhaliyey Champions League-ga kaddib markii uu xalay mid ugu shubay Napoli.

Xiddiga Real Madrid iminka kaalinta shanaad ayuu uga jiraa kala sarreynta goolasha Champions League-ga ee abid, kaddib dhaafiddii dal wadaagiisa waxaa hada u xiga Ruud Van Nistelroy oo leh 56.Iyada oo uu ololahan 2017-17 ku bilaabay meel ka baxsan 10-ka sare, Benzema waxa uu dusha ka maray rag ay ka mid yihiin Eusebio iyo Alfredo di Stefano –  waxa uu dhaliyey shan gool afartii kulan ee ugu dambeeysay.