Khilaafka Jubbaland Iyo Soomaaliya Oo Mideeyay Siyaasiyiinta Mucaaridka

0
559

Khilaafka Jubbaland Iyo Soomaaliya Oo Mideeyay Siyaasiyiinta Mucaaridka

Muqdisho (Warsugan)-Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa maalmihii dambe u muuqatay mid kacsan, kadib markii ay is-biirsadeen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland oo dhawaan ay doorasho ka dhacday, hakinta duulimaadyada Kismayo iyo xayiraadii Sheekh Shariif.

Qorshe la doonayay in lagu caleema saaro Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa keentay in xayiraad la saaro duulimaadyadii tegi jiray Magaalada Kismayo, waxaana taas ay keentay in Garoonka Magalaada Mudisho lagu xayiro Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, arrintaas oo keentay xiisad siyaasadeed iyo in eedeymo kulul loo jeediyo dowladda.

Doorashadii khilaafka uu ka dhashay ee lagu doortay Axmed Madoobe oo udub dhexaad u ahayd xiisadda ayaa dowladda federalka waxay hore u sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashooyinkii ka dhacay Kismayo.

Wargeyska Warsugan Media Group
Hargeysa/Somaliland