Komishanka Doorashooyinka Oo Codsi u gudbiyay Saddexda Xisbi Qaran iyo Madaxweynaha Somaliland

0
705

Komishanka Doorashooyinka Oo Codsi u gudbiyay Saddexda Xisbi Qaran iyo Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa(Warsugannews)- Komishanka doorashooyinka Qaranka somaliland ayaa codsi ku saabsan dib u dhigista diiwaangalinta codbixiyayaasha oo hadda ka socota somaliland u gudbiyay Xisbiyadda

siyaasadda ee somaliland kaasi oo nuxurkiisu yahay siddii dib loogu dhigi lahaa diiwaangalinta goboladda hadhsan .

Codsiga Komishanka doorashooyinka ayaa lagu sababeeyay inaanay suurogal ahayn in komishanka doorashooyinku sii wado goboladda hadhsan iyaddoo lagu jiro abaar ba’an oo u baahan si wadajir ah gacan looga gaysto .

Xisbiyadda UCID iyo KULMIYE ayaa la sheegay inay aqbaleen codsiga Komishanka doorashooyinka waxaanna ilaa hadda aan codsigaasi kasoo jawaabay Xisbiga WADDANI oo sidda la sheegay doonaya inay diiwaangalintu sii socoto iyadoo lagu jiro abaaraha.

Komishanka doorashooyinka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la badbaadiyo muwaadiniinta abaaruhu saameeyeen halkii laga sii wadi lahaa diiwaangalinta doorashooyinka , waxaanna komishanku sheegeen in wakhtigan ay adag tahay inay sii wadaan diiwaangalinta codbixiyayaasha oo muddo dheer soconaysa markaasna ay hadhsan yihiin goboladda sanaag iyo sool .

ilaa hadda ma cadda wakhtiga rasmiga ah ee la joojinaya diiwaangalinta balse maalinta sabtidda ah ayaa lagu wadaa inay diiwaangalinta codbixiyayaashu markale ka bilaabanto gobolka Maroodijeex haddii aanay wax isbedelin qorshaha Komishanka doorashooyinka.