Kooxaha Juventus iyo Inter Milan oo isku garbinaya Moussa Sissoko

0
329

Juventus iyo Inter Milan ayaa sida lasoo werinayo cagta cagta u saaraya Moussa Sissoko, kaasoo haatan aan ka mid ahayn safka 1-aad ee Tottenham Hotspur.

Sida uu qorayo Corriere dello Sport, Juve iyo Inter ayaa daaqadda u taagan Sissoko, kaasoo aan Tottenham u safanin tan iyo 22-kii Oktoober 22, markaasoo uu ganaax 3 kulan ah ku mutaystay hab-dhaqan aan isboortiga waafaqsanayn kulankii Bournemouth.

Laacibkii hore ee Newcastle United khadka dhexe uga dheeli jirey ayaa soo noqday kulamadii West Ham United iyo Chelsea, yeelkeede macallinka Mauricio Pochettino ayaa ka ilduufay labadaa kulanba.

Sissoko ayaa xagaagii lala xiriirinayay Juve si ay ugu buuxiyeen booskii uu banneeyay Paul Pogba kahor intii aanu ugu dambayntii ka mid noqonin Lilywhites oo ku qaatay €33m isla maalintii suuq-xiranka suuq-xagaagii Agoosto.

waaxa diyeriyey yaasir br