Kooxda Inter Milan oo maanka ku haysa macallinka Jose Mourinho

0
572

waaxa qoray yaasir br

– Inter Milan ayaa wada xaajoodyo haatan la leh macallinkii bedeli lahaa Frank de Boer, balse warqaadka Tuttosport ayaa sheegaya in ay isha ku hayaan macallinkii mustaqbalka oo ay u arkaan Jose Mourinho.

Naadiga ayaa todobaadkan albaabka tusay De Boer kaddib 14 kulan oo qura, kuwaasoo kala barkood laga badiyay, waxayna haatan wada hadallo kula jiraan biddaalkiisii oo ay ugu cad cad yihiin macallinkii hore ee Villareal ee Marcelino iyo Stefano Pioli. Waxaa sidoo kale jira musharrixiin kale sida Francesco Guidolin, Vitor Pereira iyo Guus Hiddink, waloow uu ninka Dutch-ka ihi uu caga jiidayo.

Sida uu qabo Tuttosport, waxaa jira qorshayaal mustaqbali ah oo ku saabsan fasal-ciyaareedka soo aaddan iyagoo ku fikiraya soo laabashada Mourinho oo 2010 seddexleey – Champions League, Scudetto iyo Coppa Italia – la qaaday kooxdan kahor intaanu ku biirin Real Madrid.

Macallin Mou ayaa ku wareersan mashaqada la xallin la’yahay ee Manchester United oo aan boosas wanaagsan ka joogin Premier League iyo Europa League.

Waxayna warar Talyaaniga ka imanaya ay sheegayaan in haddii uu Mou maaro u waayo Man Utd, Inter Milan-na ay waydey macallin haya waqti dheer in laga yaabo inuu dib ula midoobo kooxdiisii hore marka la gaaro xagaaga 2017.