Kooxda Milan oo iyadoo malaayiin haysata aan misna kasoo adeegin karin suuqa Jannaayo!! (Maxaa dhacay?)

0
381

AC Milan ayaa u muuqata mid heleysa €100m oo kale oo loo bixiyay dib u dhaca xilligii saxiixa oo la sheegayo inuu dib u dhici karo ilaa 28-ka Febraayo, balse taasi kama dhigna in Jannaayo wax lasoo iibinayo.

Waxaa qorshaysnaa – in marka ay kulmaan saamileeydii hore ee naadiga – in maalgashadayaasha Chinese-ka ah laga iibin doono Diseembar 13, balse madaxwaynaha Silvio Berlusconi ayaa xaqiijiyay inay taasi dib u dhici karto 4 ilaa 6 todobaad si ay dallada Chinese-ku ay rukhsad uga hesho dowladda Beijing si lacagta iibka loogusoo xawilo banki ku yaalla Luxemburg.

Fininvest (sharikadda Berlusconi ee Milan maamusha) iyo Sino-Europe Sports ayaa shalay soo saaray war saxaafadeed wada jir ah oo ay ku sheegayaan inay yeesheen kulan ku dhamaaday jawi wanaagsan, isla markaana ay markale kulmi doonaan todobaadka soo aaddan.

Yeelkeede, warar kala duwan oo haatan soo baxaya ayaa sheegaya in saxiixa iibka rasmiga ah dib loo dhigay ilaa Febraayo 28.

Sida ay qorayaan La Gazzetta dello Sport iyo La Repubblica ayaa sheegaya in dallada Chinese-ku ay diyaar u tahay inay bixiso €100m oo dheeraad ka ah €100m oo ay horay u bixiyay taasoo ka dhigan in kooxda Vincenzo Montella ay markale suuq-jiilaalka ka gaabsan doonto tiiyoo ay jirto inay gacanteeda ku jirto €200m isu gayn ahaan.

Sababtuna waxay tahay, waloow lagu heshiiyay in kooxda sanadkiiba la geliyo ugu yaraan €100m oo euro, misna inta heshiiska rasmiga ah la saxiixayo waa in wax kasta laga wada tasho umana badna in la qaado tillaabo dhanka suuqa ah oo wayn kahor inta ay kooxdu ku wareegayso hal gacan.