Kooxda Wargeyska Warsugan oo Kooxda Tv-ga Qaranka ka badisay una soo baxday Wareega Labaad ee Koobka lagu xusayo Marxuum Weriye Maxamuud Daa’uud

0
305

Kooxda Wargeyska Warsugan oo Kooxda Tv-ga Qaranka ka badisay una soo baxday Wareega Labaad ee Koobka lagu xusayo Marxuum Weriye Maxamuud Daa’uud

Hargeysa(Warsugan) Caawa ahaa waxa ciyaar adagi ku dhexmartay kooxaha Warsugan Media Group iyo Kooxda Tv-ga Qaran ciyaartaas oo ka tirsayd koobka Lagu xusayey sanad guurada ka soo wareegtay Geerida Marxuum Weriye Maxamed Daauud oo ka mid ahaa Weriyeyaasha Television ka Horn Cable Tv oo shil gaadhi ku geeriyooday Ramadaantii hore. Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Al-madiina Stadium ee xaafada Aw Aadan, ayaa ahayd ciyaar loogu soo baxayey wareega labaad ee koobkaasi, ciyaartan oo ay ka soo soo qaybgaleen soona buux dhaafiyeen taageereyaal tiro badani garoon ayaa ku bilaaban tahay dardar iyo weerar iyo weerar celis qaybtii horena waxay ku dhamaatay 1:0, markii la isku soo noqdayna waxa ciyaarta la wareegtay kooxda warsugan oo halkeeda ka sii wadatay golasha una labaysay kooxdii Tv-ga qaranka, balse mar ay ciyaartu dhamaad ku dhawayd ayey gool la yimaadeen kooxdii ku ciyaaraysay magaca tv-ga qaranku waxaanay ciyaartii ku soo dhamaatay 2:1 ay guushu ku raacday kooxda wargeyska warsugan Media group, kooxaha ku wada jiray Group kan ayaa kala ahaa Warsugan, Radio Hargeysa, Tv, Qaranka iyo Horn cable Tv waxaana halkaasi ku hadhay kooxihii ku ciyaarayey magaca labada Tv ee Cable ka iyo Qaranka waxaana wareega u soo baxay Warsugan iyo Radio Hargeysa.