“Kowda Bisha Sadexaad 01/March Ayaa Xil Wareejintu Halkan Berbera Ka Dhici Doonta, Shirkada Dp World-na Ay Si Buuxda Ulla Wareegi Doontaa Maamulka Dekedeena.” Wasiirka Madaxtooyadda JSL + Sawiro

0
417
????????????????????????????????????

“Kowda Bisha Sadexaad 01/March Ayaa Xil Wareejintu Halkan Berbera Ka Dhici Doonta, Shirkada Dp World-na Ay Si Buuxda Ulla Wareegi Doontaa Maamulka Dekedeena.” Wasiirka Madaxtooyadda JSL

Hargeysa (WSN) Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shaaciyey in kowda bisha soo socota ee sadexaad ay Xukuumadda Somaliland si rasmi ah shirkada DP World ugu wareejin doonto maamulka marsada Berbera.

Wasiirka ayaa sidoo kalena ku dhawaaqay inay Xukuumaddu bixinayso oo ay diyaarisay xuquuqaha shaqaalaha dekeda ee dawlada u shaqayn jiray, sidoo sidoo kalena sheegay in aanay shaqaalahaasi ku dhici doonin shaqo la’aan.

Wasiirka oo ka mid ahaa wefti balaadhan oo ka socda Xukuumadda Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Berbera ka dib kormeer ay ku sameeyey Dekeda Berbera ayaa sidoo kalena sheegay inay Xukuumaddu diyaarisay dhul baaxad leh oo maalgashi loogu talo galay in uu noqdo free zone area, sidoo kalena dhawaan heshiisyo arrimahasi ku saaban ay Xukuumaddu qalinka ku duugi doonto.

Wasiir Xaashi ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa “ Waxa aynu ku jirnaa marxaladii la qabyo tiri lahaa mashruucii dekeda qarankan ee Berbera, ee aynu maamulkeeda ugu wareejin lahayn shirkada DP World, inaga oo uga gol leh in la balaadhiyo, in la weyneeyo, si ay u noqoto deked weyn oo casri ah oo la jaanqaada dekedaha mandaqadan, kowda bishada sadexaad 01/March ayaa xil wareejintu halkan ka dhici doontaa, shirkada DP World-na ay si buuxda ula wareegi doontaa maamulka dekedeena, dhamaan shaqaalhii ka shaqaynayeyna loogu wareejin doonaa, shaqaalahaa maanta dhawr iyo labaadhanka sanadood ka shaqaynayey dekeda ee kala dambeeyey, sanad ilaayo dhawr iyo labaadan sanadood dadkii ka shaqaynayey waxa u waajibtay xuquuq. Dadkaas muwaadiniinta ah ee shaqaalaha ah waxaanu ku hambalyeynaynaa qarankan hawlhii ay u soo qabteen, siday u soo doojeen, samirkii, iyo dhabar adaygii duruufihii adkaa ee ay mararka qaarkood gacmahooda waxa ku wadi jireen, mid ku xamaala iyo mid waxa ku qoraba, maanta sidii ay shalay ahayd maaha way soo roonaatay qalab ayey dekedu haysataa, imikana waxa aynu rabnaa inaynu ka casrinayno, dadkaasna aad ayaanu u hambalyeynaynaa.”

Md. Maxamuud Xaashi ayaa hoosta ka xariiqay in aanu jirin shaqeele dhimis la samaynayaa waxaanu yidhi “ Shaqaalahaas ma jiro qof shaqo waayayaa, waxay shaqaalaha dekedu ka wareegi doonaan gacantii dawladda kowda bisha, waxana ay noqon doonaan shaqaale shirkad caalami ah u shaqeeya, xuquuq caalami ah leh, heshiis caalami ahna gala oo saxeexa, waxa markaa imika laga gacan siinayaa wixii ay qarankan u qabteen iyo xuquuqdii ay dawladda ku lahaayeen ayaa la siinayaa. Ma jiro qof shaqo waayayaa, meesha waxa aynu u balaadhinaynaa ee u weynaynaa inaynu shaqo helno, shaqo inaynu abuurno, inaynu horumar abuurno ayeynu doonaynaa, waxaanu hoosta ka xariiqaynaa inaynu wax korodhsano ayeynu doonaynaa ee ma rabno inay wax inaga dhacaan, waxaanu maqlaynaa meelahaas warar laga sheegayo oo leh adeegyo halkan dekedu bixin jirtay oo la waayi doono, wax la waayayaa ma jiro wax inoo kordha mooyaane.”

Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa geesta kale la hadlay dhul maalgashiga loogu talo galay oo ay Xukuumaddu diyaarisay, waxanau yidhi “ Hawsha labaad waxa weeye, sida maamulka gobolku sheegay inagoo jecel inaan u mahad-naqo sida isku duubnida, kartida iyo hufnaanta lahayd ee ay u wajaheen xiliga kala guurka, waana xiliyada ugu dhibta badan ee ugu xanuunka badan runtii waananu ku hambalyeynaynaa. Waxaanu Xukuumad ahaan iyadana wadnaa in dhawaan la saxeexo heshiiskii Free Zone-Ka, waxa aynu abuuraynaa Free Zone, maanta la lihin, waa mandaqad xor ah oo warshado lagu sameeyo oo wax walba lagu soo dejiyo, oo kumanaan kambani iman karaan, maanta Dubai waxa ka shaqeeeya Todobada kun iyo shan boqol oo kambani oo caalami ah, oo degan, ka ugu yar waxa ka shaqeeya dhawr boqol oo qof, markaa waxa aynu u baahan nahay inaynu abuurno Free Zone, aynu shaqo ka abuurno, shaqo la’aan ayaa maanta dalkeena ka jirta. Free Zone-ku dhul badan ayuu inooga baahan yahay in aynu astayno, markaa dhul ayaa Xukuumadu u jaangoysay, dhulkiibaanu soo kormeeraynay waa dhul ku filan markaa dhulkaa baa Madaxweynuhu uu wareegto ku soo saarayaa wakhti dhaw oo aan fogayn, dhulkaasi maaha dhul dad muwaadiniin ahi ay leeyihiin, ama ay sheegaynayaan ama u tirsan oo ay u arki doonaan in laga tacadiyey dhul ay leeyihiin.”

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa geesta kalena shaaciyey in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo uu xayiraadii saarnayd ka qaaday dhul ku yaala magaalda Berbera waxaanu yidhi “ Sida aynu ka wada war qabno dhulbaa xidhaa magaalada Berbera, Madaxweyne Cigaal Ilahay ha u naxariisto, Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne Siilaanyo sadexduba dhulkaa wareegtooyin ayey ku xayireen dhulkaas waxa loo hayey dan-guud, maadaama la doonayo magaaladii in la dhiso qurux ay yeelato Madaxweynuhu wuxuu fasaxay dhulkii dadkaas muwaadiniinta ah dawlaha hoose ay siiyeen, inkasta oo Madaxweynayaal xayireen oo ay sharci ahayd, dhulkaas Madaxweynuhu wuu fasaxay guud ahaan, gaar ahaan wadada laamiga Hargeysa tagta dhinaca waqooyiga afar boqol oo mitir ayaa loo faxay dadkii muwaadiniinta ahaa ee lahaa ee sharciga u haystay, maaha kuwo cusub ayaa la siinayaa, dadkaa waxa laga doonayaa inay wax qurux badan ka dhisaan, masuuliyadaana waxa leh oo kormeeraysa dawladda hoose.”

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Wa-Bilaahi Tawfiiq