Ku simaha Madaxweynaha oo shacbiga iyo bahda fanka iyo Suugaanta ka tacsiyadeeyey Geerida Hobolkii weynaa ee Shay Mire Dacar

0
387

TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN-18/07/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, isagoo ku hadlaya magaciisa ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Bahda fanka iyo suugaanta, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle haw naxariistee Marxuum Cabdillaahi Mire Dacar (Shay Mire), oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa shalay 17.07.2016.

Waxanu ku simaha madaxweynuhu ku sifeeyey marxuumka, abwaan magac iyo karaamo ku leh shacbiga Somaliland iyo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto, isagoo ahaa hal-abuur ku xeeldheer qaybo ka mid ah fanka iyo suugaanta Soomaalida, sida heesaha, fannaanimada, tumista Kamanka, samaynta laxanka iyo midhaha. Waxanu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda fanka iyo suugaanta, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.