Kulan Dhoollatus Ah Oo Ay Xubnaha Beellaha HARTI Ugu Jira Golaha Dhexe Ee KULMIYE Ku Yeesheen Hargeysa Iyo Mawqif Ay Cuddudooda Ugu Hiilliyeeen Guddoomiye Muuse Biixi

0
545

Kulan Dhoollatus Ah Oo Ay Xubnaha Beellaha HARTI Ugu Jira Golaha Dhexe Ee KULMIYE Ku Yeesheen Hargeysa Iyo Mawqif Ay Cuddudooda Ugu Hiilliyeeen Guddoomiye Muuse Biixi

Tirada Iyo Magacyada Ergooyin Mansabyo Kala Duwan Qaranka Ka Haya Oo Madasha Maanta Goob Joog Ka Ahaa+Xil. Indho-indho Oo Tafaasiil Ka Bixiyey Natiijadii Shirka

Hargeysa (Warsugannews)- Kulan xubnaha beellaha Harti (Dhul-bahante iyo Warsengali) ugu jira golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ku yeesheen magaalada Hargeysa ayaa ay dhoolatus ku muujiyeen mawqifkooda ku wajahan musharraxa madaxweyne ee ay codkooda iyo cududooda ku taageeri doonaan marka uu qabsoomo shirka golaha dhexe ee xisbigaasi, oo la quudarraynayo in uu horraanta bisha soo socota ka qabsoomo magaalada Hargeysa.

Aqlabiyadda ergooyinka Beellaha Harti ugu jira golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa Kulan Kulan isugu jira shaqo iyo is xog waraysi oo ay Maanta ku yeesheen Hotelka Lake Asal ee magaalada Hargeysa, kana qayb galeen soddon ergay oo ka tirsan golaha dhexe oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno, maareeyayaal iyo agaasimayaal hay’ado dawladda ka mid ah madax ka ah iyo weliba siyaasiyiin miisaan culus, aqoonyahan iyo waxgarad kale oo kasoo jeedda Beelahaasi waxa ay si midaysan isugu raaceen in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Guddoomiyaha Xisbigaasi Md, Muuse Biixi Cabdi Oo isagu tartan ugu jira musharraxnimada Madaxweynaha ee shirka golaha dhexe.

Kulankaas oo ahaa mid warbaahintu dibad joog ka ahayd marka laga reebo sawirro guud oo madasha laga qaaday, balse sida xubno ka qaybgalay xaqiijiyeen,. Waxa madashaasi magacyadooda laga xaadiriyey magacyada soddon xubnood oo kulanka goob joog ka ahaa, kuwaasi oo ka midaysnaa ajandaha shirkooda iyo taageerada musharrax Muuse Biixi.

Warku intaa ku daray in dhinacyadu isku xog-waraysteen iskuna raaceen dhammaantood in ay ka go’an tahay taageerrida iyo inay dhisaan murrashaxnimada Muuse Biixi Cabdi ee xisbiga KULMIYE gudihiisa Madaxweynaha Axmed Siilaanyo kadib, iyadoo halkaasi la isku waydaarsaday hugo-tusaalayn taariikh ku salaysan iyo dardaaran la is faray sidii looga midho-dhalin lahaa in doorashada Guddoomiye Muuse ee murrashaxnimada madaxweynenimo ee tartanka shirka Golaha Dhexe ee xisbiga.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho) oo isagu warbaahinta lahadlay markii kulanka laga soo dareeray ayaa tafaasiil ka bixiyey nuxurka uu daarnaa iyo waxyaabihii laga wada hadlay “Halkan waxaa ku qadaynaayey oo kulan ku lahaa xubanaha Golaha dhexe ee beesha Harti, ee Warasangali iyo Dhulbahante ugu jira Xisbiga KULMIYE, inta ugu mudan ee codka lahayd 30 xubnood oo golaha dhexe ah, Wasiirradii, Xildhibaanadii, Agaasimayaal Guud, cid naga maqnayd ma jirto, waxaanu isugu nimid in aanu muujino taageeradda aanu u hayno, Murashaxnimada Jagada Madaxweynenimo ee Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.” Sidaa ayuu yidhi Md. Indho, waxaanu intaaku daray “ Maanta waxaanu halkan ka muujinaynaa in codkayaga muruqayaga iyo foodkayaga uu halkaa maro, oo ay sidaa isku raacsan yihiin Dhamaan xubnaha Beesha Harti ee Xisbiga KULMIYE.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.

Liiska Xubnaha Golaha dhaxe ee Beesha Warsangali ee Kulankaasi joogay
1. Cali Jaamac Faarax (Buureed) Wasiirka Kaluumaysiga
2. Cabdisalaan Maxamed Xasan. Wasiiru dawlaha W/ Biyaha
3. Axmed Maxamuud Nuur. Wasiir ku xigeenka Deegaanka.
4. Xil. Cali Maxamed Aadan (C. Bare)
5. Xil. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud
6. . Sul, Muuse Jaamac Dalaf
7. Cabdilaahi Maxamuud Suldaan Cabdisalaan
8. Maxamed Abshir
9. Ibraahim Ducaale Cawke
10. Axmed Ismaciil Cali (Guray)
11. Sahal Maxamed Jaamac
12. Shacni Saalax Cali
Liiska Xubnaha Golaha dhaxe ee Beesha Dhulbahante ee Kulankaasi joogay
1. Baashe Cali Jaamac. Wasiirka Biyaha
2. Xil. Maxamed Axmed Maxamuud (Dhakool)
3. Aadan Cabdilaahi Cabdale. Agaasimaha W/ Diinta iyo awqaafta
4. Xil. Gar. Maxamed Jaamac
5. Xil. Cabdi Xaaji Hirad
6. Nadiifo Maxamed Colujoog
7. Jaamac Dheeg Cartan
8. Axmed Maxamed Caraale
9. Axmed Cabdilaahi Dhagool
10. Axmed Maxamed Caraale (Daadeex)
11. Cabdilaahi Maxamuud Guray
12. Faarax Cali Ibraahim
13. Ismaaciil Cali Ibraahim Gaas.

144

155

166

177

188

200

1333

1999

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here