KULMIYE iyo WADDANI Oo Ku Muransan Sheegashada Wax Qabadka Xukuumadda Ee Lixdii Sano Ee La Soo Dhaafay Iyo Lafa Gurka Dooda Labada Dhinac

0
381

KULMIYE iyo WADDANI Oo Ku Muransan Sheegashada Wax Qabadka Xukuumadda Ee Lixdii Sano Ee La Soo Dhaafay Iyo Lafa Gurka Dooda Labada Dhinac

Waxqabadka Xukumadda Yaa Ku Ololaynaya, Kulmiye Mise Waddani?
Hargeysa(Warsugan) Taniyo markii isbahaysigii Kulmiye ka falliidhmay ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxaa isa soo tarayay muran ku saabsan xisbiga ololaha doorashada ku galaya waxqabadkii xukumadda Kulmiye. Siyaasiyiinta hore xukumadda uga tirsanaa haddana ah Waddani ayaa isu cumaamaday inay yihiin mashiinkii waxqabadka xukumadda laakiin, arrintaasi waxaa ku gacan saydhay xukumadda Kulmiye.

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa doonaya inuu mar kale bulshada kula doodo inuu ka dhabeeyay ballamihiisii doorashaddii 2010 lagu doortay, sidaasna waxaa 15-kii bishan Ladhan ka sheegtay Marwada madaxweynaha Aamina Sheekh Maxamuud Jirde oo la hadlaysay haweenka carriga Ingiriiska oo munaasibad u qabtay “Waxaynu ku jirnaa wakhtigii ololaha doorashooyinka, markaa waxyar baan ka odhan waxyaabaha aanu qabanay iyo waxa damacayagu yahay imika; 7-dii sanno arrimihii barnaamijka noogu jiray haddii aan dambiga iska dhawro boqolkiiba sideetan Kulmiye wuu qabtay. Barnaamijka soo socda oo guddi gacanta ku hayso wuxuu ku saabsanaanayaa dhammaystirka wixii dhiman iyo waxyaabo cusub oo aanu diin sheegi doono inaanu qabanayno, idina waxaanu idin waydiisanaynaa inaad Kulmiye codka siisaan,” ayay tidhi Marwo Aamina Waris.

Haseyeeshee, Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa u muuqda mid majarihiisa ololuhu isbedelay, islamarkaana la mid noqday kan Kulmiye kadib markii siyaasiyiinta Xukumadda iyo xisbigeeda ka falliidhmay majaraha ololaha qabteen, islamarkaana hoggaamiye Xirsi la hoos geeyay ololaha doorashada. Siyaasiyiintan ayaan rabin in la sheego godoloolooyinka Xukumadda laakiin, doonaya in waxyaabaha wanaagga ah ee ay qabatay ay tuurta u ritaan.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada xukumadda Siilaanyo Maxamed Biixi Yoonis, ayaa markii uu dhawaan ku biiray xisbiga Waddani waxa uu sheegay in xukumadda Kulmiye ee ay ka tirsanaayeen aanay sheegi doonin dhalliilaheeda“ Xukumaddii aanu ka tirsanayn ma doonayno inaanu wax ka sheegno,” ayuu yidhi isagoo BBC-du waydiisay waxyaabaha ay ku diideen xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye.
Sidoo kalena Wasiirkii hore ee Madaxtooyada mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa shirkii golaha dhexe ee Waddani ka dhex sheegay inuu ku tartamayo waxyaabihii uu qabtay intii uu ka tirsanaa xukumadda Kulmiye “Saylac ilaa iyo Laasqoray degmo aanan istaagin oo aanan mashruuc ka fulin ama ka furin ma jirto oo aan ahayn Badhan iyo Buuhoodle gudihiisa, hareerihiisa waan ka fuliyay, waar taas ayaanu ku tartamaynaa qoladanna (Waddani) ula nimid oo ku biirinaynaa, xaasha taayadii inaad sheegato, wax la kaalay, bulshada wax u soo bandhig, waxaad qabanayso keen, taariikh aad leedahay keen,” ayuu yidhi Hoggaamiyaha Waddani Xirsi oo farriin u dirayay Musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Arrintan waxaa siyaasiyiintaasi ku raacsan guddoomiye Cirro. 10-kii bishan ayaa siyaasiyiintii isbahaysiga Kulmiye lagu soo dhaweeyay Waddani. Guddoomiyaha Waddani, ahna musharaxa Cabdiraxmaan Cirro wuxuu khudbaddiisa maalintaas ku soo hadal qaaday in waxqabadka Kulmiye ku faano raggii qabtay yihiin kuwa xisbigiisa ku soo biiray “Beryahan dambe KULMIYE aad buu u faanaa, faanka uu ku faana na waxa aan is lee yahay waa inta halkan maraysa wax-qabadkoodii, waxaana ay diyaar u yihiin in intii ay halkaa ka qabteen iyo in ka badan ba in ay halka na ka sii wadaan,” ayuu yidhi mudane Cabdiraxmaan Cirro.
Laakiin, xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegashada waxqabadka Xukumadda ee xubnaha Waddani ku biiray si kulul uga jawaabtay, waxaanay ku doodeen in xuquuqda waxqabadka xukumaddu tahay taariikh u dhawran madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigiisa Kulmiye. Masuuliyiinta xukumadda u hadlay oo uu ugu tun weyn yahay wasiirka warfaafinta, ahna afhayeenka xukumadda Cismaan Cabdillaahi Caddaani, ayaa soo hadal qaaday inaanu Xirsi waxqabadka xukumadda ula guuri Karin Waddani.

Wargeyska Warsugan ayaa arrimaha maalmihii u dambeeyay dadku ku dhego barjoobay wax ka waydiiyay siyaasiga Cabdiraxmaan Cadami oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaalilan laakiin, hadda ka madax bannaan xisbiyada loolamaya, waxaanu tilmaamay in xisbiyadu ka leexdeen doorkii ololaha ee saxda ahaa, kaas oo noqonaya in la derso dhibaatooyinka bulshada haysta lana soo bandhigo habka wax looga qabanayo si bulshadu ikhtiyaarkeeda ugu kala doorato xisbiyada.

“Kulmiye wuxuu ku faani karaa hadduu jiro waxqabad ay samaysay xukumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Siilaanyo. Xisbiyada kale ee mucaaradka ah, iyagu horeba talo umay soo qaban, iyagu waxay ku doodaan kaliya waxa weeye inay yidhaahdaan ‘waxbaanu qaban doonnaa, waxaas baanu samayn doonnaa, waxaas baanu qaban doonnaa’” ayuu yidhi mudane Cadami oo ka hadlayay muranka ololaha doorashada ee xilligan ka dhex taagan xisbiyada Kulmiye iyo Waddani.

Waxa kale uu sheegay inaanay gabi ahaanba xisbiyadu ku foognayn ka hadalka dhibaatooyinka jira siday wax uga qaban lahaayeen laakiin, qabyaalad ay ku ololaynayaan “Xisbiyadeenu kuma ololeeyaan dhibaatooyinka runta ah ee dalka ka jira si ay dadka u kasbadaan. Dalka sixir barar baa ka jira, sarrif barar baa ka jira, quutal daruuriga oo qaali ah baa jira, biyo la’aan baa jirta, abaaro soo noqnoqday baa jira oo dalka dhib weyn ku haya, shaqo la’aan baa jirta, dhibaatooyin ammaan darro ayaa ka jira mandaqada laakiin, xisbiyadu kuma ololeeyaan arrimahaas mana arag xisbiyada oo barmaaj dhisan jeedinaya,” ayuu yidhi mudane Cadami.

“Dadku ma danaynayaan, dhegana uma leh, waanay saluugsan yihiin xisbi ku ololaynaya ‘ Reer hebel baa xisbi hebel ka soo baxay oo nagu soo biiray’ dadku ma danaynayaan xisbi leh ‘ nin siyaasi ah oo la garanayo ayaa xisbi hebel ka soo digo rogtay oo nagu soo biiray oo beeshiisiina daba socotaa. Dadku waxay maqlayaan marka aad uga sheekayso dhibaatooyinka haysta ee kuwii aan soo sheegay ay ka mid yihiin,” ayuu yidhi mudane Cadami oo xisbiyada kula taliyay inay darsaan soona bandhigaan waxyaabaha ay ka qabanayaan dhibaatooyinka bulshada, islamarkaana ka gudbaan ololaha qabiilaysan.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office