Kulmiye oo Xafladii balaadhan ku qabsaday magaalada Manchester ee dalka UK, taas oo lagu dortay Xubnaha Uguv sareeya Xisbiga qaybtiisa Ingiriiska + Sawiro

0
388

Kulmiye oo Xafladii balaadhan ku qabsaday magaalada Manchester ee dalka UK, taas oo lagu dortay Xubnaha Uguv sareeya Xisbiga qaybtiisa Ingiriiska + Sawiro

Manchester (Warsugannews)Dhoolatuskii KULMIYE Ee Magaalada Manchester ee cariga Ingiriiska lagu qabtay shirweyne aad loo soo agaasimay, waxaa shirkaas soo qaban-qaabiyey Jaaliyada degan waqooyiga Ingiriiska oo ay hormuud ka tahay Laanta KULMIYE ee Manchester.

Shirka ayaa loo soo agaasimay si aad u qurxoon, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii ay dadweynaha waqooyiga Ingiriiska degani ay fursada u heleen in ay la kulamaan;
1-Guddoomiye ee KULMIYE, mudane Cadilahi Cisman jiqire
2-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee cumar barkhade
3- afhahnka Cabdiqadir berberaawi ,
4- xogahaya guud Cabdiraxman yusuf (cabdijanan)
5- Cabdilaahi bodsanah guudomye abaalulka iyo xidhidhka
6- gudoomiyaha garabka hawanka
Iftiin
7- guddoomiyaha garabka dhalinyarta cali guulad
gudida iyo masuuliyiin kale oo badan. Waxaa kaloo joogay goobtaas, si weyna uga qaybqaatay shirkan xildhibaano dhawra oo ka mid , waxaana ka mid ah oo labaduba ka tirsan xisbiga Ucid, iyo xubno kasocday xisbiga wadani

Inta aanan u gudbin shirka iyo sidii loo daadihinayey, waxaan jeclaa in aan xuso, in dhamaan xubnihii ka hadlay shirka ee KULMIYE, Qaar Kamida Beelaha Laascaanood Oo Sheegay Inay Taageero Buuxda U Hayaan XisbigaKULMIYE.
Shirka iyo Furitaankii Xaflada.
Waxaa lagu soo dhaweeyey mikrifoonka guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee cariga Manchester , wuxuuna halkaas ka soo jeediyey kelmado kooban oo uu ku guubaabinayo xubnaha xisbiga iyo guud ahaan , wuxuu tilmaamay hawlaha horyaal Xisbiga KULMIYE, wuxuuna hadalkiisii ku soo koobay, in loo baahan yahay taageerada xubnaha, weliba taageerida dhaqaale ay laf-dhabar u tahay dedaalka xisbugu ku jiro ee ka midho dhalinta dimoqraadiyada. Wuxuu hadalkiisii ku soo koobay, “balankeenu waa hawl badan iyo hadal yar.”

Waxaa kaloo isna halkaas ka hadlay Xoghayaha guud ee Laanta Manchester, Mudane c/raxman yusuf ( cabdijanan ) , wuxuuna soo dhaweeyey isaga oo ku hadlaya magaca laanta, wufuuda xisbiga iyo dhamaan taageerayaasha xisbiga ayuu Farax madasha ku soo dhaweeey.
Waxaa halkaas ka hadlay afhahnka xigeenka ee Xisbiga Mudane Cabdiqadir beberawi , wuxuu sidoo kale isagu si gaar ah ugu mahadnaqay dhamaan taageerayaasha KULMIYE oo si mug leh ayuu yidhi, isaga intii uu shirka soconayay sojediyay inla barbar istaago wuxuu kaloo uga mahadnaqay taageerada ay xubnaha reer Manchester la barbar taagan yihiin xisbiga. Isaga oo arrinkaas sii iftiiminaya wuxuu yidhi , ka guulaysano, waa in aynu xisbiga xagga dhaqaalaha ka taageerno”. Isaga oo sii sharaxaya wuxuu yidhi “ Xukuumadu , in aanu taageerayaasha wax weydiisano, taageerayaasha oo idin waydiisanaynaa taageero”.
12650545_10153587000414682_2146894064_n

12656030_10153586996089682_1599692065_o

12656239_10153587000519682_2041946894_o

12656346_10153586933639682_1816179910_o

12666460_10153586995474682_190332161_n

12669090_10153586997204682_1946643201_o

12669379_10153586998334682_1262018158_o

12674180_10153586999194682_1470743831_n

12674300_10153586999514682_354635400_n

12695200_10153586994724682_1525785478_o

12695244_10153586987239682_246728970_o

12695415_10153586935144682_207747764_o

12695965_10153586999969682_1511985392_n

12696249_10153586934274682_1670158423_n

12696658_10153586943649682_1165851671_o

12699266_10153586933964682_1624625755_o