KULMIYE oo Xaruntiisa ku Qaabilay Masuuliyiin iyo Xubnihii Golaha Dhexe ee WADDANI u Qaabilsana Gobollada Bari

0
502
????????????????????????????????????

KULMIYE oo Xaruntiisa ku Qaabilay Masuuliyiin iyo Xubnihii Golaha Dhexe ee WADDANI u Qaabilsana Gobollada Bari

Hargeysa (WSN)- Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa qaabilay masuuliyiin, siyaasiyiin iyo xubno golaha dhexe ee xisbiga WADDANI u qaabilsanaa deegaamo ka tirsan Gobollada Sool, Sanaag, Xaysimo iyo Buuhoodle, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray xisbal-xaakimka.

Kulan shir jaraa’id ah oo ka dhacay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee caasimadda Hargeysa maanta, kana qaybgaleen Guddoomiyaha iyo murrashaxa jagada Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi, Guddoomiye-ku-xigeennada kowaad iyo labaad, Wasiirka Daakhiliga Somaliland iyo masuuliyiin kale, waxa lagu qaabilay masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta shaaciyey inay ka soo digo-rogteen WADDANI.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, ayaa ugu horreyn gamco furan iyo qalbi xaadhan ku soo dhaweeyey xubnaha xisbiga ku soo biiray iyo taageerayaashooda, waxaannu xusay inuu aaminsan yahay inay cududda taageero ee xisbiga wax weyn ku soo kordhin doonaan.
Cabdi Cabdilaahi Liibaan oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sool, ayaa faahfaahin ka bixiyey masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta cusub ee xisbiga ku soo biiray xilalkay hayeen iyo meelaha ay ka soo kala jeedaan.

Maxamed Cawad iyo Mubaarik Ismaaciil oo ka mid ah masuuliyiinta ka soo digo-rogtay WADDANI, ayaa sheegay in ay ka niyad-jabeen caddaalad-darrooyin ay ku arkeen xisbigoodii hore, isla markaana ay arkeen in aannu wax dani ahi ugu jirin deegaamadooda ay ka soo jeedaan, taa beddelkeedana qiimeeyn iyo baadhitaan kadib ay ku qanceen siyaasadda xisbiga KULMIYE iyo waxqabadka xukuumaddiisu ka fulisay dalka iyo deegaamada bariga dalka.

Guddoomiyihii Garabka Haweenka Laascaanood ee WADDANI Marwo Canab Axmed Xaaji Cilmi iyo Marwo Ayaan Dalmar oo xisbiga WADDANI u qaabilsanayd degmooyinka Yeyle, Far-janno iyo Ceegaag, ayaa iyaguna dhaliilo u jeediyey xisbigoodii hore, waxaanay ballanqaadeen inay xafiisyadoodii iyo shaqooyinkoodiiba ku wareejinayaan xisbiga KULMIYE oo ay u arkeen mid ummadda midaynaya.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon) oo isaga ay isku deegaan ka soo jeedaan masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta cusub eek u soo biiray xisbiga, ayaa uga mahadceliyey xubnahani go’aanka ay qaateen ee ay ugu soo biireen KULMIYE, waxaannu xusay in deegaamada gobollada bariga ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay taageero buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo kulankaas ka hadlay, ayaa soo dhawayn iyo hambalyo ahba ku qaabilay xubnahan cusub, waxaannu bulshada ku dhiirrigeliyey inay dedaal badan geliyaan sidii dadku isku dhexgeli lahaayeen, waxaannu yidhi, “Waxa la innooga baahan yahay bari iyo galbeedba inaynu hawlgallo, maadaama oo aad tihiin beelihii bariga waxa farxad weyn ii ah inaynu dalkeena midayno oo dalku is-aamino, waxaanaynu u baahanay in dadku is dhexgalo oo fikirka la isku darsado oo ah midka aynu maanta ku midownay.

Xisbiyaduna maaha shirkado lacag isku darsada oo macaasha ee waa dad fikrad isku dara, il-dheer, dabadeedna dadka fikirkooda mideeya, marka dadka fikirkoodu midoobo ee ay is aaminaan ee walaaloobaan ayuu dhaqaaluhu soo baxaa oo ay ganacsiga wadaagaan, wax wada yeeshaan oo meel wada degaan, haddii aynu KULMIYE nahayna waxaynu horseedaynaa inuu dadku midoobo, qabyaalladana ka saarno oo mid waliba halka uu doono degi karo waayo magaceenaa midnimo ah.”

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu u tilmaamay bulshada hiigsiga iyo qorshaha xisbiga KULMIYE eek u wajahan horumarinta iyo wax-wada-qabsiga si loo yareeyo dhibaatooyinka abaartu ka mid tahay, “Ta labaadna waa horumarin, waxaynu u guntanaynaa waxyaabaha horumarkeenna hortaagan inaynu la wada dagaallano oo ay ka mid tahay qabyaaladdu, Qaadka ayaana ka mid ah oo isaguna hawl culus innagu haya, sannad walba toddoba boqol oo milyan ku dhawaad ayeynu Qaad siisanaa, maantana waxaynu ka qaylinaynaa inaynu dadkeena abaaraha uga gurmanno, haddii toddobaas boqol ee milyan ee sannadkii ah aynu meel u dhigno abaaraha oo aynu raashin ku iibsanno oo aynu biyo ku iibsanno oo aynu ceelal ku qodano bal ka warrama, nin walowba kollay Qaadka iska dayn karimayside bal yareeyoo nus ama qayb uun abaaraha ugu tabaruc, ileyn cuntadiiba waynu ku gurmanaye, waana mushkilad aan la dhayalsan karin.”

“Haddii aynu KULMIYE nahay jidkaasaynu qaadaynaa, waxaynu ka guuraynaa qabyaaladda, waxa aynu ka guuraynaa caajiska, waxa aynu ka guuraynaa fadhiga, waxa aynu ka guuraynaa xanta iyo inaynu meel madow ku sheekaysanno, waddadaasna waxa inoo jeexay madaxweynaheena qaranka oo horena u ahaa guddoomiyihii xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.