“Kuwa Dilka iigu Hanjabaya Waxaan leeyahay, Caddaanni Kun Nin Waddada Ugama Baydho,” Wasiir Caddaanni
“Xisbigii Aan Intaa U Soo Halgamayay Ma Marka Xisbi Habaryoonis Ahi Yimid Baan Ka Baxaa, Waar Waxaasi Waa Gunnimo, Mabda’a Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi Baan Aamminsanahay” Wasiirka warfaafinta
Burco(Warsugan) Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid, oo boqolaal taageerayaashiisa ah kula hadlayay Burco ayaa sheegay inaanay suuro gal ahayn inuu ka baxo xisbiga Kulmiye. Waxa kale oo uu sheegay inaanu dheg u dhigi doonin hanjabaado uu sheegay in loo jeediyay, isagoo si weyn isu faaniyay, islamarkaana sheegay inaanay kun dhabada ka duwayn.
Todobaadkii hore ayaa baraha internet-ka la soo geliyay codka niman ku sheekaysanayay qol ka mid ah qolalka Internetka Watsapp-ka, kuwaasi oo hab reeraysan u kala warqaadanayay.Nimanka codkooda la maqlay oo ay haybta guud wadaagaan wasiir Caddaani ayaa sheegayay inay dili doonaan Caddaani maaddaama uu ka hor yimid xisbiga Waddani oo Habaryoonis musharrax ka tahay.
Wasiir Caddaani oo hore codadkan uga sii daayay warbaahinta dawladda ayaa shalay sheegay inaanay hanjabaadahaasi dhabbada ka duwi doonin “Xisbi baan ka tirsanahay, aniga la iguma soo korin inaan habrado oo aan baqo oo aan nin qayrkay ah u habrado, xaasha, waxaan ahay nin reer Saxardiid ah. waxaanan u sheegayaa kuwa meelahaa wax ku qorqoraya ‘Illaahay baa wax dila’ wallaahi inaanad maydkayga u soo dhawaan Karin iska daa aniga oo noole, maydkayga inaan ninna u soo dhawaan Karin,” ayuu yidhi mudane Caddaanni.
Wasiirku wuxuu ku dooday in cidda u hanjabaysaa aanay aqoon u lahayn waxaanu soo qaddimay inuu isagu isu sheegayo “Cismaan Cabdillaahi Saxardiid ninkii aan aqoonow baro, kun nin waddada ugama baydho, kun nin, kun nin. Markaan hana qaaday dugsiga Sheekh Bashiir madaxweyne ayaan ka noqday, dugsiga sare ee Sheekh-na madaxweyne ayaan ka noqday, anigoo yarna Maraykan iyo Kanada ayaan guddoomiye uga noqday SNM, Kulmiye markaan galayna waxa Somaliland ka baxsan oo dhan anigaa madax ka ahaa, hadda saw garan maysid, maantana wasiir baan ahay,” ayuu yidhi mudane Caddaanni.
Waxa kale oo uu sheegay inaanu ka taggi doonin xisbiga Kulmiye “Intii xisbigii aan soo dhisayay ee aan u soo dagaallamayay ee aan wakhtigayga, maalkayga iyo maskaxdayda u huray, maalinta xisbi Habaryoonisi yimid ka bixi maayo oo odhan maayo Habaryoonis baan galay, waar waxaasi waa gunnimo, ma ihi dadka noocaas u nool. Waxaan ahay nin mabda aamminsan, mabda’a madaxweyne Siilaanyo ayaan aamminsanahay, mabda’a mujaahid Muuse Biixi baan aamminsanahay, mabda’a xisbiga Kulmiye ayaan aamminsanahay, mabda’a intii aanu walaalownay ee Somaliland oo dhan ah baan aamminsanahay, ka iga filaya ee meel soo dhigaya Caddaani ayaanu khaarajinaynaa dee isma naqaan, isma fahmayno dee,” ayuu yidhi wasiir Caddaanni.
Xigasho Wargeyska Warsugan