Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Laascaanood Kula Kulmay Waxgaradka Beelo Colaadi U Dhaxayso

0
395

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Laascaanood Kula Kulmay Waxgaradka Beelo Colaadi U Dhaxayso

Laascaanood(Warsugan) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa magaalada Laascaanood kulan kula qaatay beelaha dirirtu ku dhexmartay koonfurta gobolka Sool. Beelaha walaalaha ah oo dhawaan odayaashooda la kulansiiyay ayaa wasiirku ku boorriyay inay ka shaqeeyaan nabadaynta beelahaasi oo muddo ay u dhexaysay colaad kala irdhaysay oo dad iyo duunyo galaafatay.

Dhawaan ayaa 90 oday oo labada dhinac ah la dhaariyay, kuwaasi oo hoggaamin doona sidii nabadda loo xidhi lahaa. Odayaasha labada dhinac oo kulanka shalay ka hadlay ayaa sheegay inay ka qoomamaynayaan khasaaraha ka dhashay dirirta dadka walaalaha ah, haddana ay diyaar u yihiin sidii loo soo afjari lahaa. Waxay ku taliyeen in daacad laga noqdo soo afjarista, islamarkaana aan lagu degdegin soo daynta dadka rabshadahan u xidhan inta nabadda laga guntayo.

Cabdi Khayrre Dirir badhasaabka Sool iyo maayarka Laascaanood Cismaan Saleebaan Jaamac ayaa odayaasha ku boorriyay inay ka hawl galaan sidii bulshada nabadda loogu wacyi gelin lahaa. Waxay u rajeeyeen in Alle ku guuleeyo oo ay soo afjaraan rabshadahaasi sokeeye.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in isku daygan nabadda ay hoggaaminayaan haldoorkii labada beelood ee dirirtu dhexmartay “ Waxay noqotay in Labada beelood odayaashooda, duqaydooda, waxgaradkooda iyo qoorweyntooda ay dadku yaqaaneen, inay hoggaamiyaan isku daygaa nabadda ee aynu wadno, oo bulshada nabad ugu baaqaan oo ku qanciyaan. Waa odayaal kalsooni qaatay oo la aqbalay,” ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Xigasho Wargeyska Warsugan