Labo Gabdhood oo Soomali ah oo lagu Dilay Canada iyo Booliska oo xiray labo qof oo laga Shakiyay

0
453

Laba gabdhood oo Somali Canadian ah ayaa laga helay gurigooda ,iyaga oo mayd ah sida ay shaacisay laanta danbi baarista booliska ee Canada , waana kiisaskii 23-aad iyo 24-aad oo oo sanadkan gudihiisa ka dhaca Ottowa.
Booliska ayaa laga soo wacay guri ku yaala jidka McCarthy abaaro sagaalkii fiidnimo ee habeenkii Jimcaha ka dib markii la helay maydka labadan gabdhood oo da’dooda lagu kala sheegay 29 iyo 32-sano.
Labadan gabdhood oo isla dhashay ayaa lagu kala magacaaba Asma C/rixmaan iyo Nasiibo C/rixmaan ,waxaana dilkooda loo xiray nin dhalinyaro ah oo la sheegay in lagu qabtay goob aan wax badan ka fogayn halka uu shilkani ka dhacay.
Ninka la qabtay ayaa xirnaa dhar mad-madow waxaana la sawiray isaga oo labadiisa gacmood kula jira jeebabkiisa shan iyo toban daqiiqo ka dib markii uu booliska soo gaaray halka laga soo wacay.
Qof kale oo isna dhalinyaro ah ayaa la qabtay 10 daqiiqo ka dib ,waxaana la arkayay isaga oo wajiga dhulka loo dhigay ,isla markaana gacmaha ka xiran ,xilli tiro boolis ah la keenay halka uu dilkani ka dhacay.
Dhismaha 3200-aad ee jidka McCarthy ee Ottowa ayaa lagu xiray calaamad-da booliska ee astaanta u ah in aan laga gudbi karin ,iyada oo aabaha dhalay labada gabdhood lagu magacaabo C/rixmaan Axmed Nuur.
Ugu danbayn,Ilaa iyo hadda lama cadayn in rag-gan la qabtay ay iyagu gaysteen dilkan oo kamid ah kuwii uga naxdinta badnaa ee lagula kaco Somalida ku nool dalka Canada.