telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Lacag Loogu Talo-galay In Dhisme Dabaq Ah Loogu Binneeyo Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Oo Akownkooda Lagala Baxay

Lacagtan Oo Aan La Sheegin Cida La Baxday Ayaanu Wasiir Axmed Xaaji Daahir Soo Hadal-qaadin Wakhtigii Uu Xilka Wasaaradda Kala Wareegayey Cali Xaamud Jibriil

“Waagii Dhawayd Ee Aniga Xilka La Igu Wareejinayey Waxa La Igu Yidhi Intaas Curaar Baa Loo Dhigay, Intii Kalena Waa Lala Baxay Oo Way Ogtahay Dawladu, Waxa Loogu Talo-Galay In Wasaarad Loo Dhiso Oo Bajad Baa….”Wasiirkii Hore Ee X. Golayaasha Axmed Xaaji Daahir

 

Hargeisa (Warsugannews) – Wasiirkii Hore Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada Md Axmed Xaaji Daahir ayaa sheegay in akoonka wasaaradaasi lagala baxay lacag dhan sagaal boqol iyo todobaatan milyan oo Somaliland Shilings (970,000,000) lagala baxay akoonka wasaaradaasi, kaasi oo aan magac-dhabin cida la baxday iyo goorta lala baxayba.
Wasiirkii hore xidhiidhka Golayaasha Axmed Xaaji Daahir ayaan soo hadal-qaadin lacagtaas wakhtigii uu xilka wasaaradaasi kala wareegayey wasiirkii isaga uga horeeyey Cali Xaamud Jibriil, taas oo aan si dhab ah loo ogayn sababta keentay inuu wakhtigan soo bandhigo lacagtaas la xaday.
Sida ay Wargeyska Warsugan u xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa lacagtan la sheegay in lagala baxay akoonka wasaaradda ayaa muran ka abuurtay munaasibadii shalay uu xilka ku wareejinayey wasiirkii hore, taas oo la tibaaxay inuu wasiirka cusub ee xidhiidhka golayaasha iyo distuurka Somaliland Md Maxamed Xaaji Aadan Cilmi uu diiday inuu saxeexo warqadii xil-wareejinta, balse markii danbe culaysyo badan ka dib saxeexay warqada xilwareejinta.
Wasiirkii Hore Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada Md Axmed Xaaji Daahir ayaa isagu mar uu shalay ka hadlayey munaasibadii uu xilka ku wareejinayey ka hadlay lacag la sheegay in lagala baxay akoonka wasaaradaasi, isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu yidhi “Wasaaraddan hoolkan yar maanta ayaa iigu horaysa aniga, intii hore wuu xidhnaa qolada Awqaafta ayey alaabi u taalay baa la lahaa, wasaaradan waxa loogu talo galay in wasaarad loo dhiso, Bajad baa lagu bixiyey oo bajadkii lagu bixiyey iyada laftigeeda waagii dhawayd ee aniga xilka la igu wareejinayey waxa la igu yidhi intaas curaar baa loo dhigay, intii kalena waa lala baxay oo reportiisana waan siin doonaa oo way ogtahay dawladu waxa loo dhisi waayey ee loo waayey maanta in meel la fadhiisto ay waayaan ee ku kaliftay in lagu soo noqdo tan oo habeen madaw la jabsado oo alaabta lagu dhex-daadiyo oo calaamad baa dhextaala meeshaa, sababtoo ah lacag Hal bilyan iyo lix boqol oo milyan ah (1,600,000,000) oo Somaliland Shilings ah oo loogu tala-galay aniga waxa la igu yidhi sagaal boqol iyo todobaatan milyan oo Somaliland Shilings (970,000,000) curaar bay ku jirtaa oo tiina way ku jirtaa, markii intii kale-na qoladii Hanti-dhawrka iyo la isku yimiday lacagta intii kale waa lala baxay”.
Dhinaca kale sida ay Warsugan u xaqiijiiyeen dad xogogaal ahi Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa wada baadhis lagu doonayo cida lacagtaasi uu wasiirku sheegay la baxday.

420 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins