Lama Garan Waayin‏ By Xasan Ismaaciil Xasan Shaah

0
532

Lama Garan Waayin‏
Wasaaarada warfaafintu marka aynu ka hadlayno duwalkaka jira dunidan aynu ku noolnahay waa mid kamida haayadaha halbawlaha u ah dawlad kasta.

1991 kii 18kii may waxay ahayd markii lagu dhawaaqay gooni isu taaga iyo madax bananida Somaliland, waxa dawladii ugu horeysay ee uu gadhwadeenka ka ahaa alle ha u naxariistee marxuum C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur) wasiir ka noqday wasaarada warfaafinta Somaliland alle ha u naxariistee Muj quule Aadan Dool.

Tan iyo wakhtigaasi oo haatan laga joogo mu do 25 sanoodana waxa soomaray wasaarada war warfaafinta ee somalland 17 wasiir oo ku jiro wasiirka hada xilka haya ee C/laahi Maxamed Daahir (C/laahi cukuse) sidaa daraadeed horumar intee leeg ayay ku talaabsatay wasaarada warfaafintu marka la barbar dhigo wasaaradaha dhigeeda ah ee Somaliland? Maxay tahay se ahmida shaqo ee ay qarankasta ama dawladkastoo dunida ah u leedahay wasaara warfaafintu?

Maraaxilka kala duwan ee ay mudadaasi 25ka sano ah soo martay Somaliland oo midkastaba wakhtigiisa iyo waayihiisa lahaa ka sokow hadana la jaanqaadka haykalka dawladnimo mar heer ayuu taagnaa waxaanay wasaarada warfaafintu kala sinayd la jaanqaadka kuwa dhigeeda dawladihii kala danbeeyay ee Somaliland.

Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay hogaaminta talada dalka la wareegtay da’tirsiga qaranimada Somaliland markuu labaanjirsaday amaba july 27 2010kii markaasiyoo uu kalabadh dadkii codkooda dhiibtay uu ku guulaystay xadiga tirada xad dhaafka ah ee uu codkooda helay waxay marag fur cad u tahay hanka dadku ku qabo hogaamuntiisa iyo kalsoonida fulinta balanqaadkiisii waxqab hirgalintooda.

Ha ku raagin akhriste jawaabta tuducaygan balse aragtida shakhsiga ah wuu fuliyay balanqaadkiisii ahaa waxqabadka %80 marka laga reebo wasaarada warfaafinta oo habacsanaanteeda maamul awgeed iyadu hagratay dhamaystirka %20ka ka dhiman hirgalinta hamigii waxqabka iyo horumarka ee uu lahaa madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Maxay tahay sababtu?

Lasoco qormada koowaad iyo labaad oo dhamaystiran bari jimcaha hadii alla idmo

Xasanshaah@gmail.com