‘’LAMAANIHII CUMAR BINU KHADAAB UU U GAR QAADAY’’

0
765

Waxaa maalin, maalmaha ka mida cumar binu khadaab, amiirkii labaad ee muslimiinta, u soo dacwootay gabadhka mid ah, dumarkii asxaabta, oo uu qabay asxaabigii la odhan jiray ‘’abu-salama’’
waxay cumarku tidhi gabadhii cumaroow; ninkayga sharkiisu wuu badan, yahay khayr kiisuna wuu yar yahay
cumar wuxuu yidhi; ninkaagu waa kuma?
gabadhii; waxay tidhi waa abu-salamah
Waa asxaabi aad u weyn oo asxaabadii rasuulka, ka midka ahaa, ayay sheegtay
Cumar wuxuu u diray nin abu salama u yeedha, gabadhiina waxa uu ku yidhi halkan, fadhiiso
waxaa loo yeedhay abusalama,
cumar markii loo yeedhay asxaabigii wuxuu ku yidhi, gabadhan ma garanaysaa..
abusalama wuxuu ku yidhi; waa tuma amiirkii muminiintoow
cumar waxuu yidhi; waa gabadhaadii, wayna kaa cabanaysaaa
abu salama waxuu yidhi; maxay leedahay?
cumar wuxuu yidhi; waxay kaa sheegaysaa inuu sharkaaguna badan yahay kheyr kaaguna yar yahay
abu salama waxa uu yidhi; walaahi cumaroow, dumarka ta ugu dhar badan, weeyaan mida kale gurigeedu guriga guryaha ugu fiican weeyaan ayuu yidhi
Laakiin nin keedu waa magaan[macnaa raga, nimaanay igu qabin] ayuu yidhi
Cumar wuxuu yidhi; ma siduu arrinku sheegayba?
gabadhii waxay tidhi; markaasaa waxay tidhi, run ayuu sheegay
markaa cumar ushii uu watay intuu laba jeer ku dhuftay ayaa wuxuu, yidhi; markaad dhalin yarnimadiisii dhamaysay xoolihiisiina cuntay, ee uu waayeel noqday ayaad arinkaa, ka sheeganaysaa,
Gabadhii dabeed waxay tidhi; amiirkii muslimiintoow arinkaa mar danbe u noqon maayee haduun iska kay cafi,
dabeed cumar isagii intuu u yeedhay ayuu ku yidhi waryaa gabadhaa xaqeeda iska ilaali oo haku xadgudbin
dabeed wuxuu siyay dhar dabeed way is raaceen didanbana umay soo noqon,

Taasina waxay ku tusinaysaa, siduu cumar uga war hayay xaladaha ay ku jiraan, qoysasku, muslimiintu iyo siduu u xalinjiray khilaafaadkooda,
Waxa kale oo ay ku tusinaysaa, siday raga iyo dumarkuna cumar binu khadaab ugu soo muraad iyo miciin biddi jireen, sababtoo ah, waa cadaalada uu dadka ku dhiqi jiraytaasi..

qalinkii; qoraa ibraahim dhuxul

gmail; dribraahimm@gmail.com