Lammaane Saudi Arabia Ah Oo Isfuray 2 Saac Ka Dib Arooskooda Iyo Sababtii Ka Dambeysay

0
413

Aroos si weyn loo soo agaasimay ayaa ka dhacay dalka Saudi Arabia laakiin keliya laba saacadood ayey isqabeen lammaanihii loo dhigay arooskaas.
Sababta furriinka ka dambeysa ayaana daaha laga qaaday. Daily Mail oo ah wargeys kasoo baxa dalka England ayaa sheegaya inuu furriinkaani dhacay ka dib markii ay arooraddu sawirradii laga soo qaaday xafladdii arooskeeda la wadaagtay macaamiisheeda ay ku leedahay mareegaha aadka loogu xiriiro ee Snapchat.
Si kastaba ha ahaatee, caruuraddaani waxay ilowday heshiis dhexmaray iyada iyo seygeeda arooska k ahor, heshiiskaas oo dhigayey in aysan labada dhinac sawirrada xafladda arooska la wadaagi karin macaamiishooda kula xiran baraha bulshada sida Facebook, Twitter, Instagram ama Snapchat.
Markii ay caruuraddu jebisay heshiiskaas. Seygeedii ayaa si dhaqsi ah u furay, taasoo keentay in cimri ahaan arooskaani uu waaro keliya laba saacadood. Wiil la dhashay gabadhaan ayaa la hadlay wargeyska Saudi Arabia kasoo baxa ee Daily Okaz wuxuuna xaqiijiyey inuu heshiiskaani dhacay arooska ka hor isla markaana ay walaashiis jebisay xeerarkii la dejiyey.
Laakiin aan halkaas su’aal idinka weydiiyo… Ma jiraan qodobo sharci ah oo loo dejiyo jaceylka ama ay degsadaan lammaanaha isjecel? Miyaad shuruuddaan oo kale hordhigi laheyd xaaskaaga mustaqbalka xafladda arooska iyo guurkaba ka hor? Fikirkaaga hoos inagula wadaag.