LONDON: Janet Jackson oo markii ugu horreysay jalbaab kusoo bannaan baxday

0
422

Heesaayadda caanka ah islamarkaana ah walaasha boqorkii fanka Michael Jackson ee Janet Jackson (50-jir) ayaa markii ugu horreysay soo xiratay jalbaab, iyadoona ka dukaameysaneysay caasimadda dalka Britain ee London.

Fannaanadda ayaa gacanta haysatay ninkeeda carabka milyaneerka ah ee Wissam Al Mana (41-jir), oo ay guursatay sanadkii 2011, una leedahay uur ay mar dhow dhigi rabto.

Lammaanahan ayaa caadi ahaantooda daggan magaalada Doxa ee dalkaasi Qadar, waxaana ay magaalooyinka waaweyn sida London, New York iyo meelo kale u tagaan dalxiis iyo dukaameysi.

Janet Jacson ayaa isbaddan dhanka diinta iyo labiska ku yimid kaddib markii ay guursatay ninkan muslimka ah, waxaana ay horay usoo martay labo guur oo aysan wax awlaad ah ka helin.