Ma Dhabaa In Xidhiidh Qarsoodi Ahi U Bilaabmay Maxamuud Xaashi Iyo Hoggaanka KULMIYE Iyo Magalada Burco Oo Uu Ka Wado Olole Kulmiyeysan

0
277

Warar Wargeyska Foore ka helay illo rasmi ah,ayaa tibaaxay in dhaq-dhaqaaqyo hor dhac ahi oo gooni-gooni ah u bilaabmeen hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagu hore u qaadacay xaraana ku tilmaamay shirkii toddobaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo bishii aktoobar ee sannadkii hadda dhammaaday ee 2020-kii ka qabsoomay Magaalada Hargeysa, isla markaana eedaymo kale duwan ujeeddiyey Madaxweyne Muuse Biixi ahna Guddoomiyaha Xisbiga,Ma jiro Warar amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay dhinacyada la sheegay in kullamadu dhex mareen.

Hase-yeeshee, sida xoggaha lagu sheegay hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo siyaasiyiinta beesha Barriga Burco ee ka tirsan xukuumadda iyo Xisbigaa,ayaa la sheegay inay siyaabo gooni–gooni ah kullamo ula yeesheen Siyaasi Maxamuud Xaashi oo hore uga du’day Xisbiga KULMIYE,kaas oo eedaymo uu laf jab ah  ujeeddiyey Madaxweynaha  ahna Guddoomiyaha KULMIYE,balse hadda waxa la sheegay in Maxamuud Xaashi la soo lad-qabeeyey madaama lagu jirro xili doorasho,isla markaana lagu qanciyey inuu la shaqeeyo hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo uu dhex-da u xidho sidii ay Musharraxiinta Beeshiisu ugu soo hooban lahayeen KULMIYE,waxaanu hadda si rasmi ah u bilaabay hawshaas,Siyaas xaashi ayaa sida wararku tibaaxen wax ay xidhiidho gooni-gooni ah oo hor dhac ah la sameeyen Masuuliyiin sarre oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE,wallow illuhuu ka gaabsadeen inay xuseen xubnaha KULMIYE ee kullamada la yeeshay Maxamuud Xaashi.

Waxa kaloo, Wararku intaa ku dareen in kullamada dhinacyadani yeeshen qaarkood dhaceen toddobaadyadii ugu dambeeyey, halka qaar kale-na xuseen in xidhiidhada KULMIYE  iyo siyaasi Maxamuud Xaashi ay taxnayeen, tan iyo curashadii sannadkan 2021-ka,balse waxay sii xooggeysteen markii uu Madaxweyne Biixi muddeeyey inay doorashooyinka isku sidkan ee gollayaasha deegaanka iyo Wakiilladu ay dalka ka dhacayaan bisha May 31 ee sannadkan 2021-ka .

Dhanka kalene Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa kasoo dhex muuqday toddobaadkan munsaabad ka qabsoontay Magaalada Burco, taas oo uu Xisbiga KULMIYE ku qaabiley musharraxiin,isagoo halkaas ka sheegay ujeeddad uu xafladaas uga soo qayb-galay inay tahay mid la xidhiidha in musharraxiinta beeshu KULMIYE la keeyo,“Saddex arrimood ayaan u imi  Musharraxiinta waxa laga sharraxayaa Xisbiga KULMIYE,anniguna waxa aan kamid ahay Xisbiga KULMIYE, malaa waxa laga yaabaa dareenkaygii,doodaydii,damacaygii iyo dudmadaydii in aan KULMIYE ka tegay, kama tegin,wellina arragtidayda waan qabaa oo waan ku adkay annoo KULMIYE kamid ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here