Ma Hoggaamiyey Boqortooyo Boqor …

0
403

Ma Hoggaamiyey Boqortooyo Boqor …………

Markii uu dhamaaday dagaalkii ay Jabhaddii Xaq u dirirka ahayd ee (SNM ) kaga guulaysatay Taliskii Siyaad Barre, ka dib, dib u xoreyntii dalka jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 1991-kii.

Wakhtigaasi ka dib, waxa ciidamaddii xaq u dirirka ahaa ee (SNM) la kala siiyey Affar Darajo oo kala ahaa, sidan.
Waxa la siiyey Darajadda koowaad, Raggii siidhiga afuufayey ee ku jiray jiidaha hore ee ciidamaddu ay ka dagaalamayeen, “Premier to Premier” taasoo, ahayd ahmiyadda kowaad ee ugu muhiimsanayd, uguna sareysay Madax-da hoggaaminaysa Dowaladda Jamhuuriyadda Somaliland, halka iyana la siiyey Darjaddii Labaad Raggii miiska dushiisa ku qorsheyn jiray nidaamka iyo hawlaha ciidanka, “Premier Lazy” Ahmiyadda labaad eek u xigeenadda madax-da hoggaamiyayaasha Dowlada Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo Darajadda Saddexaadna la siiyey, “Stupid Active” Doqonadda firfircoon ee xukunka ay gooyaana uu ahaa mid aad hooseeya, isla markaana ay garashaddoodu ay yareyd, Raggaas oo ahaa kuwo marka uu dagaalku socdo odhan jiray laba-Kaarre ayaa ina weydaartay, halka darajaddii affaraad la siiyey “ Stupid Crazy” Doqonka aan wax-ba hubsanin, Raggaas oo ahaa Saad-hayayaashii marka uu dagaalku socdo ee ay rasaastu kala go’do, iyadoo rasaas loo baahan yahay soo diri jiray shiidaalka ama wax kale oo aan loo baahnayn.

Sida aynu wada ogsoonahay, wakhtigaasi waxa la siiyey Darajadda Koowaad ee “Premier To Premier”, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo lagu tilmaamo in uu yahay hoggaamiye leh Dhaqan, Diin iyo Waayo Arragnimo, kaasoo hadda, Hoggaamiye iyo musharaxa madax-weyne u ah Xisbiga tallada dalka haya ee kulmiye.

Inkastoo, lala xidhiidhiyo in ay tahay hoggaamintu, mid bulshadeed, diimeed, siyaasaddeed iyo ollole-kooxeedba, haddana waxa lagu qiimeeyaa Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi in uu la mid ahaa hoggaamiyayaashii ugu wanaagsanaa ee ka soo taliyey Aduunka, oo lagu qiyaasay in 96%, ay ahaayeen Askar ka tirsanayd ciidamada millateriga, waxaana ka mid ahaa hoggaamiyayaashaasi, Jamaal Cabdi Naasir, Andrew Johnson, Xafidul Asad, George Washington, Winfield Scott, iyo Charles de Gaulle oo ahaa saraakiishii ku guulaysatay difaacidii dalka farancsiiska ee uu damacsanaa in uu qabsado jermalku, dabaqayaaqadii bishii January 1940.

Wakhtigaasi, ka dib, waxa uu ka tagey taliskii sare ee ciidamadda , isagoo ku biiray dhinaca siyaasadda, waxaanu musharax madaxweyne ka noqday xisbigii wadaniga shaqaalaha, isla-markaana waxa uu ku hellay si mutadawacnimo ah taageeraddii ugu badneyd difaacidii dalka faransiiska, inkastoo, haddana aanay u lahayn wax-aqoon ah faransiiska iyo dalka ingiriisku, laakiinse, waxa ay rumaysnaayeen in hiigsigiisu uu ahaa mid lagu wada qanacsanaa tayadiisa hogaamiyenimo………………… La soco Qaybta 2-aad .

Maxamed Faarax Qoti