Ma laga Yaabaa Amma suurtogal Ma Tahay In Beelaha Gabooye Ee Reer Somaliland Ay Inaga Soo Dacweeyaan Maxkamadda Caalamiga Ah ee Hegue

0
54

Ma laga Yaabaa Amma suurtogal Ma Tahay In Beelaha Gabooye Ee Reer Somaliland Ay Inaga Soo Dacweeyaan Maxkamadda Caalamiga Ah ee Hegue
“Indhahoodii aan ka subxaanalaystay madax-dhaqamameedka beelahaasi shir beeloodkoodii u dambeeyey ee ay baaqyada ka soo saareen iyo indho-ka-lalinteena, oo aynu beelo kale uga hanqal taagayno waa laba kala maan ah.”
W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com
Waxa wiiggii hore ka qabsoomay magaaladan Hargeysa kuna soo gaba-gaboobay shir beeleed balaadhan, oo ay beelaha Gabooye ku qabsadeen. Shirkaasi oo ay ka soo qeyb-galeen boqorro, salaadiin, cuqaal, aqoonyahan iyo masuuliyiin kale oo beeshaasi ka mid ah, waxaanay ka kala yimaaddeen dhammaan goboladda somaliland. Gaba-gabadii shirkaasi waxay ka soo saareen baaq ku wajahan madaxweynaha Somaliland, golayaashaa sharci dajinta iyo shacbi weynaha reer Somaliland.
Ujeeddada ugu weyn ee baaqaasi wuxuu ahaa, inay soo bandhigaan xaqiiqooyinka jira marka laga hadlayo dhinaca saami-qeybsiga beelaha reer Somaliland. Taasi oo ay muddo quud-darraynayeen inay helaan saamiga ay xaqa ugu leeyihiin xilalka siyaasadda iyo horumarinta bulshada guud ahaan. Waxaanay si toos ah u dalbadeen in laga siiyo saami kooto ugu xidhan golayaasha qaranka sida wakiiladda, guurtida iyo golayaasha deegaanka. Sidoo kale, waxay dalbadeen in wax laga qabto baahiyo ay qabaan oo dhinaca noloshooda aas-aasiga ah khuseeya oo dibu dhac ku keenay.
Haddaba, anigoo ka mid ah dadka yar ee fara-ku-tiriska ah, ee beelahaashi mar walba ag istaaga qaddiyadooda hadday noqoto gacan iyo afba oo ay dad bandanna og yihiin. Isla markaana u dhuun daloola arrimahooda iyo baahiyaha ay qabaan, anigoo madaxdooda meel kasta oo ay joogaan xidhiidh fiican aanu leenahay, ayaa maqaalkan inaan qoro waxa igu kalifay, mar aan muuq-baahiya (T.V)ka daawaday habeen dhowayd shir beeleedkaas ay beelaha Gabooye qabsadeen. Waxaana si mug iyo miisaan leh ii soo jiitay qodobadan.
1. Isku duubni iyo isku kalsoonaan buuxda, oo ka muuqatay madaxdooda, oo hore aanan u arag oo aheyd tii aan kula talin jirey.
2. Ujeeddooyin iyo dalab cad oo aan mugdi ku jirin, oo ay si habsami ah u soo bandhigeen.
3. Iyagoo ku dooday, in baaqoodani yahay kii ugu danbeeyey, ee ay ku soo bandhigayaan cabashooyinkooda iyagoo sheegay in hore dheg loogu dhigi waayey.
4. Iyadoo ay ka muuqatay,inay tirsanayaan sida ay sheegeen inay ka daaleen ballan-qaadyo been ah iyo munaafaqnino ilaa sidii waddanka loo soo galay.
5. Iyagoo u muuqday dad abaabulan oo go’aamo kale meel u yaallaan, oo jidka ay marayaan uu u cad yahay marka ay timaaddo talada tan ku xigtaa.
6. Iyagoo ku hadlayey ereyo culayskooda leh oo aan hore looga maqli jirin marka ay warbaahinta ka hadlayaan. Waxaana ka mid ahaa hadaladaa ‘ma qadaneyno in aad labada daanba wax ku cuntaan reer Somaliland-ow, anaguna idiin daawano ” ‘Dul qaadkii wuu naga soo dhammaadey, waxaanu xaq u leenahay waa inaanu helnaa.”
Haddaba, waxa reer somaliland hor yaalla su’aallo muhiim ah, oo aan laga leex-leexan karayn hadda iyo wixii ka dambeeya, waxaana su’aalaha ay mudan tahay inaynu is waydiino ka mid ah:
1. Marka ay timaaddo beelaha Gabooye maxaynu u dhayalsannaa mar walba waxay inaga tabanayaan?
2. Maxaynu runta iskugu sheegi la’nahay, oo maskaxdeenan ka sii jeedda aynu ugu soo jeedin waynay walaalaheenna dulman ee wax inaga dalbanaya.
3. Maxaynu indhaha uga lalinaa dadkan walaaleheen ah ee aynu wada dagganayn qarniyo, ee aynu beelo kale ugu hanqal taagnaa iyo faranji qiimeyntiisii ay ina madax martay.
4. Maxaynu beelahan Gabooye uga haybadaysan waynay, inta aynu Daarood, Hawiye iyo beelo kaleba aan ka dooneyno in ay madaxa inoo salaxaan?
5. Ma aminsantahay marka horeba in wax xaq ah oo ay inagu leeyihiin inagu maqan yahay?
5. Maxaynu hoos ugu eegi waynay xaaladdaha qalafsan ee haysta waqtigan oo ah tii ugu xumayd ee abid soo marta, marka laga hadlayo dhinaca dhaqaalaha, tacliinta, caafimaadka iyo wadaagidda taladda waddanka?
6. Maxay inagu kacaysaa wax-ka-qabadka arrimaha ku gedaaman beelahan, ee ay inaga dalbanayaan inay helaan?
7. Maxaa garashadii iyo caqligii toosnaa inaga leexiyey inaynu daadahaysano oo jiidano walaalaheena sida beelaha kale?
8. Maxaa iyaguna khalad ku leeyihiin, oo iyagana dib u sii jiidaya ?
9. Maxaynu wax ugu qaadan laanahay isbeddeladan horteena ka dhacaya ee adduunkii wada saameeyey?
Su’aalahaasi iyo kuwo kaleba, waxay inooga baahan yihiin in caqli saliim ah lagu wajaho. Haddii la doonayo wanaag iyo raaliyo ahaanshaha Ilaahayna, waa in la fuliyo waxa ay dalbanayaan inta ugu macquulsan beelahani. Tusaale ahaan, waxay dalbadeen inay min 2 xubnood ka helaan golayaasha sharci dajinta, waana wax aynu fulin karno, oo aan waxba inagu kacayn, haddaynu min 3 uga dhignana way ka sii wanaagsan tahay oo waxay noqonaysaa qalbi-bogsiin, maadaama ay gacanteena ku jirto cid danaheena iyo doonisteena inaga xanibeysa aysan jirin. Waxaana marag-ma-doonto ah, in iska dhega-tirkii qaddiyadda beelaha Gabooye ay inaga soo oodmayso marka xaqiiqadda laga hadlayo sida ay aniga ila tahay.
Qof kasta oo garasho lehna, wuxuu dareemi kara inay tahay sababta ugu weyn ee ictiraaf loo waayey, ee albaabo badan aynu garaacnay, waxa loo aanaynayn karaa xaqdarro badan oo beelahaasi lagu hayo in Ilaahay inaga jarayo. iyadoo aynu waxba ka soo qaadi waynay dad aynu walaalo nahay, muddo baddana meel wada deggenayn, isku dhaqan ah, isku af ah, oo isku diin ah oo haddana aynu liidayno.
Dhinaca kale, waxyaalaha aynu moogganahay ee beelahaasi ay ku sugan yihiin waxaad arkaysaa waxyaalo ku cajab galiya. Haddaad tagto xaafadaha ay deggan yihiin waxay murugo weyni ku qabanaysaa, markaad aragto iyagoo joogga halkii 70 sanno hortood la joogay. Waxaanay ka qatan yihiin horumarka ay beelaha kale gaadheen dhinac walba.Waqtigan xaadirka ahna waxay ku sugan yihiin xaaladdo aad u qallafsan oo ay ka mid yihiin, in lagala wareegay farsamooyinkii ay ku shaqaysan jireen sida timo-jaristii, tumaalnimadii, xoolo-qalistii, kabo-tolostii iyo samayntii agabka dhaqanka iyo hiddaha. Halkaas oo ay ka heli jireen nolol maalmeedkooda, oo ay faro madhan ka taagan yihiin. Waxaanay noloshoodii maraysaa maanta heer aad u hooseeya oo laga argagaxo.
Sida aynu ka warqabno technology-yadan casriga ah iyo heerka adduunku marayo maanta uu koonkani noqday tuulo meel wada taal, oo iska wada war haysa, isla markaana aanay waxba aanay kala qarsoonayn. Sidoo kale, aqoontii iyo ilbaxnimadiina ay albaab walba garaacayso, ayaa waxaa la iska fahmi karaa, in beelaha aynu ka hadlaynaa haddii ay joogaan debada amma gudahaba ay leeyihiin dad badan oo aqoon yahana, oo aan lagaga dheerayn Karin galaangalka adduunyada. Sidoo kale, waxa jira hay’ado badan oo sabbaynaya adduunkan oo ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo xuquuqda aadamaha. Taasina waxay u suurto galin kartaa inay u soo bandhigaan qaddiyadooda, oo meelaha ay u cawdaana u garaabaan dabeedna la boodaan qaddiyadaasi, oo la ina soo joojiyo maxkamadaha caalamiga ah sida ta Hugue ka jirta. Soomaaliduna waxay tidhaahdaa ‘ninka aan garan waxa jooga ma garan karo waxa ku soo socda’. Arrintaas aan kor ku xusayna waxay u dhowdahay inay dhici karto. Haddaba, iyadoo ay ujeedaddaydu tahay, inaynaan is cabsi galin amma aan balaayo la hor ordin, ayaa haddana waxaad igu waafaqi kartaan maahmaahda odhanaysa ‘gartaada waxa la sii akhristaa intaanad geedka tagin’.
Sidaa daraadeed, waxaan u soo jeedinayaa xukuumadda Somaliland, golayaasha qaranka iyo bulshada reer Somaliland guud ahaan, inaan beeshaasi aan waxba laga hagran ha yaraato amma ha waynaatee. Waxaana inagu khasbaysa danteena waqtigan xaadirka ah ee la joogo. Waxaanay mudan yihiin inaynu soo dhowayno oo aynu qaddarinno. Waxyaalaha loo qaban karana wax aka mid ah, kollay adduun wuu baxayaaye oo tan waa laga tagayaaye in dheefta waddanka ka soo baxda lacag xaddidan looga qorsheeyo sannadkiiba, oo lagu maareeyo koru-qaadista tacliintooda, dhaqaalahooda iyo horumarintooda guud ahaan.Waxana nasiib daro ah in wadankii ay u dhashen ay murugo iyo ciil ka kasbadaan. Waxana la ila fahmi kara haddii ay dadyow kale la noolaan lahaayeen in wax u qabad dhab ah ka heli lahaayeen,waxana ka mid noqon laha isla maantaba waxa loo sameyn laha banki horumarineed ama shan qof oo ka mid ah dadka uu Alleh wax siiyay sanduuq maaliyeed oo horomarkooda ka hawl gala.
Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa, Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘ninkii baxaya indhahaa casaadda’. Waxaan uga jeedaa, waxyaalaha aan la yaabo waxa ka mid ah ee imika taagan, culimada imika joogta, oo wacdigoodii iyo muxaadarooyinkoodii ay buuxiyeen maktabadaha iyo dhammaan meelaha laga dhegaysan karo amma laga daalacan karo ee laga jiifi layahay, oo haddana aanad ku arkayn ama maqleyn inay si cad uga hadlaan qaddiyadaasi beelaha Gabooye, iyagoo wax walba oo kale ka hadlaya.
Waxa kale oo ay Soomaalidu tidhaahdaa ‘ma anaa waalan mise caddan baa laga heesayaa’. waxa aan uga jeedaa, siyaasiga kursi doonka ahi marka doorashada loo olaleynayo meel walba wuu u galaa inuu kasbado codka ummaddiisa. Laakiin nasiib darro arki maysid xisbiyadda iyo siyaasiyiinta dhex mushaaxaya xaafadaha ay deggan yihiin beelaha Gabooye, iyagoo ka ololaysanaya sidii ay cod uga heli lahaayeen. Maxaa yeelay kama hadlayaan qaddiyadooda dhabta ah. Waxa kale, oo aan la sii yaabaa marka aynu qaadka ruugayno, ee dareenadeenu fur-furmaan ee wax jira, wax nool, wax dhintay iyo waxaan jirinba aynu ka hadlayno xataa arki maysid mid mirqaan u geeyey inuu ka hadlo qaddiyadda beelaha Gabooye. Waxaan ku soo koobi lahaa, aniga oo u mahadnaqaya qeybaha kala duwan ee beelahaasi metalayey ee shirkaasi iskugu yimid, waxaanan u soo jeedin lahaa inay halkaa ka sii wadaan, oo ay aragti fog la yimaadaan. Isla markaana aanay dib u baryin waxay xaq u leeyihiin, meel kasta oo ay ku helayaan iyo si kasta oo ay ku helayaan ay sameeyaan, oo aanay u dulqaadan bahdilaadda axmaqnimadda ah ee in badan lagu hayey. Reer somaliland-na waxaan odhan lahaa ha noqonina sidii gabaygii caanka ahaa uu ku soo qaatay Cabdilaahi Suldaan Timacadde, ee uu ka hadlayey madax-adaygga Soomaalida ee uu ku metelay DHAGAXDIXEEDKA. Waxa kale oo iyaduna xusid mudan hees caanka ee ku jirtay ruwaayaddii la odhan jiray Hablayahow Hadmaad Guursan Doontaan, ee heestii ay ku luuqeyneysay Sado cali Alleh ha u naxariistee ee aheyd ‘culimadaa adduunkee, caafimaadka baadhaay, cuduradda la dabar goyn caashaqa ha lagu daro’, ana waxaan u beddeli lahaa ‘culimada adduunkee, caafimaadka baadhaay cuduradda la dabar goyn, cabashada Gabooyaha ha lagu daro’.
Fiiro gaar ah: waxaad maqaalo badan oo aan qaddiyadan ka qoray laga helayaa internetka. Waxaana ka mid ahaa maqaaladaas ‘Naga Guura Amma Naga Guursada’ uu sameeyay Alleh ha u naxriistee Abdikariim shabaash . iyo qoraal kale oo ahaa soleygii Macaana ee dumar gabooyuhu iibin jireen oo beeshoodii cirka lagu salooshay. talooyin badan oo aan u jeediyey madaxda Somaliland oo arrintan khuseeya. Ciddii talo ka dhiibanaysa way ila soo xidhiidhi kartaa.
W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781