MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW- Qaybtii 8aad

0
497

MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED
SCW- Qaybtii 8aad
Daraasad koobaysa qorshe hawleedkii nabiga ee Maalinlaha ahaa
Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti Makkah

Hargeysa(Warsugannews)Nebigu SCW wuu aqbali jiray martiqaadka dadka ehelkiisa iyo jaarkaba. Anis Ibnu Malik ayaa weriyay in nebigu SCW uu la jaar ahaa nin beershiya u dhashay oo caan ku ahaa cunto karinta, oo cuntada uu kariyaa urteeda cajiib ahayd. Markaas ayaa ninkaasi nebiga marti qaad u fidiyay si nebigu ula cunteeyo, nebiguna waxuu weydiistay in Caasha oo xaaskiisa ahayd soo raacdo, Ninkii wuu ka diiday nebiga sidaa si la mid ah ayuu nebiguna u diiday. Maalin kale ayuu ninkii nebiga cunto u sameeyay. Nebiguna SCW waxuu mar kale ka codsaday in Caasha soo raacdo. Ninkiina waxuu yidhi maya nebiguna waxuu yidhi maya.Maalin sadexaad ayaa ninkii nebiga martiqaaday, nebiguna waxuu waydiistay codsigii hore mid la mid ah.markan ayaa ninkii ogolaaday in Caasha soo raacdo sidaas ayaanay ku aqbaleen casuumadiisii.

Maalin kale ayaa nebiga waxa casuumay nin ka tirsanaa qabiilooyinkii islaamka heshiiska kula jiray. Anis Ibnu Maalik ayaa leh: waxaan u raacay nebiga casuumadaas. Markii aanu fadhiisanay ayaa nebiga waxa uu ninkii soo hordhigay roodhi Iyo weel ay ku jirto aaraadube iyo hilib la qalajiyay. Nebigu SCW waxuu aad u jeclaystay aaradubaha oo uu cunay.Markaan arkay nebiga oo xiisaynaya aaradubaha ayaan waxii xagayaga yaalayna xagiisa u riixay.Aniguna waxba kamaan cunin balse waxii maalintaas ka danbeeyay waan jeclaaday cunista aaraadubaha.

Nebiga SCW marka casuumad loogu yeedho waxuu ahaa mid sii kaxayasta qaar ka mid asxaabtiisa tusaale: mar waxa codsi u soo dirtay Idbaan Ibnu Maalik oo ka codsaday inuu soo booqdo gurigiisa uguna tukado. Waxaanu codsigiisa ku soo yidhi: rasuulkii ilaahayow waan indha dareeyay, dadkayaga anigaa salaada tujiya. Marka roobku da’ayo waxa soo rogmata si xoogan dooxo aniga iyo iyaga u dhaxaysa markaa way igu adag tahay in aan ka talaabo si aan u tujiyo salaada. Sababtaas awgeed, ayaa jeclaystay in aad gurigayga meel ka mid kaga tukato si aan uga dhigto meel aan ku tukado.Nebigu SCW waxuu ku yidhi waan kuu imanayaa Insha Allaah. Maalintii xigtay ayuu nebigu u tegay barqadii.waxaana la socday Abu-bakar,Cumar Ibnu Khadaab iyo xubno kale oo asxaabta ka mid ahaa. Nebigu waxuu ku yidhi Cidbaanow, halkeed jecesahay gurigaaga dhexdiisa in aan ku tukado?Cidbaan waxuu tilmaamay meel ka mid gurigiisa oo uu dhigay caw uu dhinacyada biyo kaga shubay.Halkaas ayuu nebigu SCW ku tukiyay laba rakcadood. Markii salaadii ay dhameeyeen ayaa Cidbaan ka codsaday nebiga inuu la joogo oo cunto loo diyaariyay wax ka cuno. Nebiguna SCW wuu la joogay oo wax ka cunay cuntadii.

Nebigu SCW aad ayuu ugu han waynaa oo u ixtiraami jiray qofka marti geliya. Wuu u ducayn jiray iyaga iyo caruurtoodaba. Anis Ibnu Maalik ayaa sifaynaya oo yidhi: nebigu waxuu ahaa midka ugu debci iyo dhaqan wanaagsan. Waxuu noogu iman jiray si uu noola sheekaysto.Waxaan lahaa wiil yar oo aan walaalo nahay oo sadex sano kaliya jira.waxaana loogu yeedhi jidhay Abu Cumayr. Marka nebigu noo yimaado wuu la sheekaysan jiray oo la ciyaari jiray.Maalin ayaa nebigu noo yimi isagoo Abu Cumayr uu cadhoonayo. Markaas ayaa nebigu SCW hooyaday waydiiyay isagoo leh: Ummu sulaym maxaa ku dhacay Abu Cumayr, wuu cadhoodaye?.waxay ugu jawaabtay: rasuulkii ilaahayow shimbirtiisii yarayd (naghayr) uu la ciyaari jiray ayaa ka dhimatay. Nebigu SCW wuxuu u tegay wiilkii yaraa isagoo madaxiisa masaxaya ayuu ku yidhi: Abu Cumayr maxaa ku dhacay naghayr? Abu Cumayr Maxaa ku dhacay Naghayr?.

Nebigu SCW markuu booqdo mid ka mid asxaabtiisa oo wax ka soo cuno gurigiisa, wuu la tukan jirayb oo u ducayn jiray. Mar ayuu nebigu SCW booqday Sacad Ibnu Cibaada oo nebiga u keenay roodhi iyo subag. Nebigu wuu cunay, markaas ayuu yidhi: dadka soomani ha kuu jebiyeen soonkooda gurigaaga, oo wax ka cuneen cuntaada, malaa’igtuna ha soo gasho gurigaaga.
Mar kale nebigu SCW waxuu booqday Busra Ibnu Abul Busra, markuu soo gaadhay gurigii. Busra iyo xaaskiisii ayaa nebiga debeda kaga hor yimi si ay u soo dhoweeyaan.waxay u dhigeen gogol qurux badan si uu ugu fadhiisto. Markaas ayaa Busra ku yidhi xaaskiisii la kaalay cuntadii.Waxay keentay sabaayad oo ah daqiiq lagu sameeyay biyo, saliid iyo milix.Waxay hor dhigtay nebiga SCW. Wax ayuu ka cunay, iyaguna way la cuneen.Waxogaa cunto ah ayaa ku hadhay weelkii. Nebigu markaas ayuu u duceeyay, isaga oo leh: ilaahayow u denbi dhaaf oo naxariistaada sii, una barakee oo sii arsaaq badan.

Maalin kale nebigu SCW waxuu booqday Jaabir Ibnu Cabdulaah.Markaas ayaa Jaabir ku yidhi xaaskiisii. Waxa inoo imanaya rasuulkii ilaahay maalinta badhtankeeda. Ha samaynin waxuu dhibsado nebigu, hana la hadlin sidoo kale wax su,aal ah ha waydiin. Markaas ayuu u qalay ri’i.markuu hilibkii soo hor dhigay nebiga, ayaa nebigu eegay oo ku yidhi: Jaabirow waxaad ogtahay in aan hilibka jecelnahay. Markaas ayay dhamaantood wax ka cuneen. Markii nebigu SCW damcay inuu tago, ayay gabadhii jaabir oo guriga gudihiisa ku qarsoonayd u dhawaaqday, iyada oo leh: rasuulkii ilaahayow noo barri Allaah aniga iyo ninkayga. Nebiguna SCW waxuu yidhi: nabadgalyo iyo naxariista Allaah korkiina ha yeelo. Markii nebigii tegay ayuu Jaabir xaaskiisii ku yidhi: miyaanan ku odhan nebiga ha la hadlin? Waxay ugu jawaabtay: miyaanad ka fekerin iyadoo ilaahay nebigiisa gurigeena keenay oo aanan waxba weydiisan aniga iyo adigu oo uu iska tego!?

Nebiga booqashada uu asxaabtiisa ugu tegayay guryahoodu keliya may ahayn qiimayn iyo rajo gelin dhinaca ducada ah ee waxa kale oo ay ahayd hab gaar ah oo wax bariseed iyo tilmaam cad oo ka turjumaysa dhaqanka nebiga ee cid la wadaagtaa dhaqankaas oo kale aanay jirin.Cabdullaahi Ibnu Caamir Ibn Rabiicah ayaa weriyay: rasuuulka ilaahay ayaa na soo booqday aniguna xilligaas waxaan ahaa wiil yar. Markaas ayaan doonay in aan iska soo ciyaaro oo debeda u baxo. Hooyaday ayaa igu tidhi Cabdullahi kaalay wax ayaan kuu hayaa oo ku siinayaaye. Nebiga ayaa weydiiyay oo ku yidhi: maxaad siinaysaa? Waxay tidhi: waxaan siinayaa waxoogaa timir ah. markaas ayuu nebigu yidhi: hadii aanad siinan, kelmedahaasi waxay kuu galayaan diiwaankaaga oo laguugu qorayo beenaale. Taasi waxayina tusaysaa sida nebigu wax u barayay ilaa xaasaska iyo hooyooyinka asxaabtiisa si ay runta u laasimaan una ogaadaan khatarta beentu leedahay. Dhinaca kalena wiilkii yaraa oo ah midkan xadiiska warinaya waxuu ogaaday faaiidada ay sheegista runtu leedahay aduun iyo aakhiro labadaba iyo isaga oo mujtamaca muslimka ah uga tegay xadiiskan uu uga faaiidaynayo waxii uu maalintaas nebiga ka bartay.

Nebigu SCW waxuu booqday Sacad Ibnu Cubaadah.isagoo nebigu la fadhiya oo asxaab kalena ay la joogaan ayuu Bashiir Ibnu Sacad ku yidhi nebiga: Rasuulkii Ilaahayow, ilaahay waxuu na amray in aan kugu salino ee sidee kuugu salinaa? Nebigu wuu aamusay waqti waxogaa ah oo dadka qaar ay jeclaysteenba in aan su,aashaas nebiga la waydiin. Nebigu markaas ayuu yidhi waxaad tidhaahdaan: Alaahu Massali Calaa Muxamed wacalaa aalihi Muxamed Kamaa salayta Calaa Ibraahim, wabaarik Calaa Muxamed Kamaa Baarak ta Calaa Ibraahim Fil Caalamiina Inaka Xamiid al Majiid.

Markii nebigu booqday Idban Ibnu Maalik, dad badan ayaa gurigiisa isugu yimi. Nin ayaa yidhi: Maxaa ku dhacay Maalik Ibnu al- Dukhshum? Mudo maan arage. Nin kale ayaa yidhi: waa munaafaq waayo ma jecla ilaahay iyo nebigiisa. Nebiga ayaa u jawaabay isaga oo leh: ha odhanin sidaas. Miyaanad maqal isaga oo leh: Alaah mooyee ilaah kale ma jiro, kaliya isagoo doonaya inuu helo raalida rabigiis?. Ninkii ayaa ku jawaabay: allaah iyo rasuulkiisa ayaa u ogaal badan. Laakiin anagu waxaanu aragnay isaga oo saaxiib ka dhigtay oo la sheekaysanaya munaaqfiqiinta. Nebiga ayaa yidhi: ilaahay qof kasta oo qira in Allah mooyee ilaah kale jirin wuu ka xaaraan yeelay inuu cadaab geliyo.

Halkan waxaa laga faa’iidaysanayaa in qof kasta oo muslim ah ay waajib saaran ku tahay inuu ilaaliyo qof kale ee muslimka ah sharaftiisa. In aanay marka ay ka maqan yihiin ka sheekayn xumaantooda. Nebiga jawaabaha uu bixiyay waxay iftiiminayaan in qofka muslimka ah mar walba laga hadlo dhiniciisa wanaagsan oo aan la soo qaadan ama laga sheekayn xumaantiisa.

Waxaa turjumay
Farxaan Aadan Haybe