Maansadan HAGAAG waxaa curiyay Hal-abuur Faarax Carab Ismaciil Aarka

0
350

Maansadan HAGAAG waxaa curiyay Hal-abuur Faarax Carab Ismaciil Aarka

Wuxuu curiyay Hal-abuurku 2, 1, 2016

Maansadan Hagaag waxay si xeeldheeriya iyo Hogatusayni ku dheehantahay uga Hadlaysaa waxyaabo badan oo dalka ka jira waxaanay Dhiirigelinaysaa bulshada inay yeelato hiigsi dheer iyo Hanaan qurxoon maansaduna waxay ku bilaambatay sidatan-:

, Garaadka Haga Naflaha

, Hankaaguna waa Tusmada

, Dantaaduna waa Higsiga

, Dookhgiyo Himiladoo

, wuxuu dadku Haybiyaa

, Dhuluu Helay roobka Gugu

, waxaa Geyi lagu Hantaa

, Guushana lagu Haybsada

, Hufnaan iyo waa dadaal

, Hubaashi kuu sawiran

, Hiroon mugdi kaaga jiran

, Hamuuntuna waa Niyada

, Hayaanba lagu jiraa

, Hirdooga lagu socdaa

, Aduunkuna wuu Hinqaday

, Adina waadigan Hadhee

, Hurdoobe maalin Gamay

, kiiyon ku Gelin Habeen

, waxaan ahay kii Hanfade

, Had iyo jeer door bidee

, Ku Helee Duub u xidha

, waxaan leeyahay Halbeeg

, Haydarada lagu cabiro

, Hirtaanyana waa Badaa

, Hantaaqiyo ciilku waa

, Madheedh Hawd nooGa Baxa

,ANNo Hebel diidanbaan

,Midkale aan Hifayaa

, Abaaraha Nagu Habsaday

, Dhalaanku Hadaaqa da,aa

, Shinbirii HeHaabijiray

,Hawada sare iyo samada

, Ma Hidiyaan Dulimaad

, Dhurwaagi Heesi jiray

, Habeenkii laylka Dhexe

, wakaa Hundudee Dhamaan

, Dhawaaq aan hidinaynahay

, Bal ila Hubiyo Gartaa

, Habaaska maxaa Nabaday

, Na furay Hadhac aan lagelin

, Dhulay Hawaydu Taal

, Hibuu Rabi igu Galaday

, Haldoorban ahay cudoon

, Markaan Halabsado sangaa

, Hagaag uma fuulikaro

, Hogaankiyo koorahana

,Hawlyari uma Taabi karo

, Huraan ahay diidmobadan

, wejiga kagayaal Huruuf

, waxaan Huwadaa Xariir

, Hilaabta Had iyo jeer

, Hadana kumalihi Hanaan

, Hubqaad iyo muuq quruxoon

, Waxaan Hindisaa Ujeed

, Horseed Mid ah oo qorsha leh

, Hadana Habacbaan yar ah

, Hormuud noqonkarin marqudha

, HoHeey Hobaanta Geed

, INtaaN Hadhsadoo ku lado

, Ayaan Hifaa Hadana

, ANooN Hubsanbaan Go,aan

, Dhibyari Ugu Hawlgalaa

, Markay Hotada afkali

, I Hertaan Sida Shabeel

, Giir Giir isku Helayaa

, Hadhaaban ahay facwayn

, Hareeri ah laamo Fiday

, Hibaaq ah mid lagu Nastoo

, GuGuna Abid Aanu Helin

, Sibaan ugu yara Haftaa

,Hawshiyo waxa lay iGmado

, Hoostana uma Dhaadhaco

, Dhurwaaba soo Hunduda

, Mas iyo Haqlaqbaa fadhiya

, HuGaan Xidhanlaa kujira

, Nasiibkuna way Hagraday

, Sidaan doonana Ma Helo

, Hadaan Hor alle afjaro

, Heestaydiyo maansadaba

,Horay maahmaah u Tidhi

, HiGaad alif kaa khaldamay

, Albaqaru kaa Helaa

, Dhibuu kugu Helayaa

, Haraad kugu sababi kara